4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2012
Afhayeenka Cusub ee Ciidamada AMISOM oo sheegay inay sii socon doonaan howgallada ka billowday Gobolka Shabeellada Hoose
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Afhayeenka cusub ee Ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in howgallada ay ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ku qabsadeen deegaanka Laanta-buuro uu sii socon doono.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalkii lagu qabsaday Laanta-buuro uu ku dhacay sidii loogu talogalay, isagoo xusay inay doonayaan inay gaaraan deegaanno kale oo ka tirsan gobolkaas.

"Howlgalkii shalay si guul leh buu ku dhammaaday, dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaana ka jira gobolka Shabeellada, waxaana qorsheynaynaa inaan meelo kale gaarno," ayuu yiri afhayeenka AMISOM oo kasoo jeeda dalka Jabuuti.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii afhayeenkan cusub ee AMISOM uu sheeagy in sababta xilkan loogu dhiibay ay tahay inuu shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta ku siiyo warbixinnada howlgalladooda luuqadda Soomaaliga.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen inay ka baxaan deegaanno ka tirsan gobolka kaddib markii shalay laga qabsaday Laant-buuro oo ay saldhig weyn ku lahaayeen.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah ayaa waxay tan iyo sannadkii hore kula dagaalamayeen Al-shabaab gudaha magaalada Muqdisho, iyagoo markii ugu horreysay bishii May ee sannadkan qabsaday degmada Afgooye oo 30-km u jirta magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya