4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2012
Mark Bowden oo Boosaaso gaarey, una kuur galay xaaladda barakacayaasha ku nool degmadaas (DAAWO SAWIRRO)


Arbaco, July 11, 2012(HOL): Wefdi ka socda UN-ka, oo uu horkacayo xiriiriyaha gargaarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mark Bowden ayaa maanta magaalada Boosaaso soo gaarey.

Wefdiga Bowden waxaa garoonka kusoo dhoweeyey mas'uuliyiinta ugu sareeya maamulka gobolka Bari iyo madax ka tirsan golaha wasiirada ee Puntland.

Waxaana intaas kadib loo soo gelbiyey dhinaca xarunta maamulka gobolka, halkaas oo ay Saxaafadda kula hadleen, islamarkaana ay kaga warbixiyeen ujeedada safarka ay xiligan magaalada Boosaaso kusoo gaareen.

Wasiirka maaliyadda ee Puntland Faarax Cali Shire oo ugu horeyntii warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin booqashada uu Mark Bowden ku marayo deegaanada Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan oo isna intaas kadib hadalka qaatay ayaa ka warbixiyey xaaladda abaaraha ka jira deegaanada xeebaha kulaala ee gobolka Bari.

Mr Gallan ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan degmooyinka gobolku ay nabad yihiin, islamarkaasna ay suurtagal tahay in hay'adaha gargaarka ee caalamiga ah iyo shaqaalahooduba ay ka howl galaan.

Mark Bowden oo ugu danbeyntii hadlay ayaa xusay inay ka warqabaan xaaladaha bini aadminimada ee ka jira Puntland, gaar ahaan xaaladda abaarta iyo dhibaatooyinka haysta dadka barakacayaasha ah.


Wuxuuna balan qaaday in macluumaadkaas ay u gudbin doonaan hay'adaha caalamiga ah ee gargaarka, si dhibaatooyinkaas sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto.

Mark Bowden iyo wefdigiisa oo ay weheliyaan mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa intaas kadib booqday qaar kamid ah xeryaha barakacayaasha iyagoo u kuur galay xaaladda ay dadkaasi ku nool yihiin iyo baahiyaha lagama maarmaanka ah ee ay qabaan.

Waa markii labaad ee xiriiriyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan gargaarka bini aadminimada ee Soomaaliya uu magaalada Boosaaso soo gaaro, waxayna booqashada uu Boosaaso ku yimid imaanaysaa maalin kadib markii uu Garoowe madaxweynaha Puntland kula soo kulmay.






Maxamed Salaad
[email protected]