4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2012
Ciidamada Dowladda KMG iyo AMISOM oo dagaal ku Qabsaday Deegaanka Laanta-buuro ee Gobolka Shabeellada Hoose
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG Soomaaliya iyo oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa dagaal ku qabsaday maanta deegaanka Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ahayd saldhig weyn oo Al-shabaab ay ku tababarto xoogaggeeda.

Dagaalka oo socday muddo kooban ayaa waxaa deegaankaas haatan ku sugan ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa DKMG ah oo wata gaadiidka dagaalka oo ay ka mid yihiin taangiyo, sida ay sheegayaan dadka deegaankaas ku sugan.

"Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay deegaanka Laanta-buuro oo saldhig u ahayd Al-shabaab, khasaare waa jiraa laakiin dhinaca dowladda waa mid ku yar," ayuu yiri Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duulle) oo ka mid ah saraakiisha dowladda KMG ah ee howgalkan ka qaybqaatay.

Sidoo kale, sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ayaa sheegay inay ku dileen dagaalkaas 11-dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab, isagoo sheegay inaysan jiirn wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray, balse ma jiro il madax-bannaan oo xaqiijinaysa arrintan.

Taliyaha ciidamada AMISOM Jen. Andrew Gutti ayaa isaguna sheegay in howgalka ay iska kaashadeen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ayna u suuro-gashay inay ku qabsadaan deegaanka Laanta-buuro oo 40-KM dhinaca galbeed kaga beegan Muqdisho.

"Ujeeddadeennu waa inaan xaqiijinno ammaanka shacabka Soomaaliyeed sidoo kalena laga hortago weerarrada kaga imaanaya argagaxisada," ayuu yiri Jen. Gutti oo sheegay inay sii socon doonaan dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaan ka hadlin dagaalka saakay looga qabsaday deegaanka Laanta-buuro oo ahayd goobtii ay saldhigga ka dhigteen markii lagala wareegay gacan ku haynta degmada Afgooye oo 30-km dhinaca waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya