4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2012
Mark Bowden iyo wafdi uu horkacayo oo Garowe gaaray, lana kulmay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole


Talaado, July 10, 2012(HOL): Magaalada Garoowe waxaa maanta soo gaarey wefdi uu horkacayo xiriiriyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan gargaarka bini aadminimada ee Soomaaliya Mark Bowden.

Wefdigan oo si heer sare ah loo soo dhoweeyey, waxay xarunta madaxtooyada kulan ay albaabadu u xiran yihiin kula yeesheen madaxweyne Faroole iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Madaxweynaha iyo Mark Bowden oo markii uu kulankaasi soo gaba gaboobey kadib saxaafadda shir u qabtay ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay isla soo qaadeen.

Madaxweyne Faroole oo ugu horeyn hadalka qaatay, ayaa xusay in waxyaabaha ugu waaweyn ee ay wefdiga Qaramada Midoobey ka socda ka wada hadleen ay kamid yihiin: sidii wax looga qaban lahaa deegaanada ay abaaruhu ka jiraan ee ku yaal dhulka xeebaha ku teedsan ee Puntland iyo weliba sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha dadka barakacayaasha ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Mark Bowden iyo wefdiga uu horkacayo ay isla soo qaadeen sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa deegaanada laabka ah ee ka durugsan jidka weyn ee gobolada dalka isku xira.


"Waxan ka wada hadalnay, in wixii mashaariic laga qaban karo Puntland gaar ahaan wadada weyn wixii dhinacyada ka ah laga qabto, in dadka barakacayaasha ah dhismeyaal loo sameeyo iyo sidii kuwa raba inay deegaanadooda ku noqdaan dib loogu celin lahaa" Madaxweynaha ayaa yiri.

Xiriiriyaha Qaramada Midoobey ee gargaarka Soomaaliya Mark Bowden, oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Puntland.

Wuxuuna intaas raaciyey in dhankooda ay ka go'an tahay inay wax ka qabtaan baahiyaha dhinaca bini aadminimada ah ee ka jira Puntland, isagoo xusay in Puntland ay hayso jidkii horumarka.

Booqashada ay wefdigan ka socda UN-ku ku yimaadeen Puntland ayaa kusoo beegmeysa xilli ay abaaro daba dheeraaday ka jiraan qaybo kamid ah gobolada Karkaar iyo Bari, kuwaas oo mudo 5 sano ka badan aysan wax roobab ahi ka di'in.

Maxamed Salaad
[email protected]