4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2012
Markab weyn oo xoolaha qaadda oo xalay dab ku qabsaday Dekadda Berbera oo lagu guuleystay in la badbaadiyo


Talaado, July, 10 2012 (HOL)-  Markab weyn oo nooca xoolaha qaadda ah oo magaciisa la yidhaa M/V-Al-iimaan ayaa xalay fiidkii dab ku qabsaday dekadda Berbera, haseyeeshee markiiba waxa lagu guuleystay in la bakhtiiyo.

Markabkan oo ah ay leedahay shirkada Al-jaabiri ayaa ah nooca xoolaha qaadda, waxaana markaa la saarayey xoollo lagu qiyaasay sondon kun oo neef iyo Caws, iyadoo markaa uu guban doono lagu jiray in la saaro cawskii ay xooluhu cuni lahaayeen, haseyeeshee ila hadda si rasmi ah looma garanayo waxa sababay dabkaasi, iyadoo wararka qaar sheegayaan cawska markabka la saarayey uu sababay, halka warar kalana sheegayaan in shoodh koronto oo ka dhashay wiishka markabku leeyahay ee gurayey cawska uu sababay dabkaasi.
Markabkan ayaa markii la arkay qiiqa iyo ololka ka baxaya waxaa si degdega ah uga hawlgalay bakhtiintiisa maamulka degmada,oo adeegsanaya gaadiidka dab-demiska dekeda,waxaa iyana ka qayb-qaatey booyadaha biyaha ee shacabka ee magaalada oo gurmadka markabka u yimid.

Mareeye xigeenka dekeda ,ahna kusimaha mareeyaha dekeda Cumar Abokor Jamac oo isagu ku sugnaa dekeda gudaheeda ayaa saxaafada uga waramey sida dabka gubashada markabka ku yimid,waxaana uu sheegay in la baadhayo waxa sababay dabkaasi, balse uu u malaynayo shoodh ka dhashay wiishka gurayey cawska.

“Dabkan waxaanu fileyna inuu ka dhashay Wiishka markabka,waayo waxa uu ka bilaabmay caws saarnaa markabka, anagoo ku jira salaadii maqrib ayaa warku soo dhacay,kadib waxaanu bilowney sidii aanu u badbaadin lahayn markabka iyo dekedaba, xiligaas dabku waxaa uu marayey cawska oo qiiqu cirka isku shareeray”ayuu yidhi maareeye ku xigeenka Dekada Berbera Cumar Abokor Jamaac oo ka hadlayey markabka dabku qabsaday.


Gaadiidka dab-demiska dekeda iyo shaqaalaha ayaa ka hawlgalay, waxaanay ku guuleysteen inay bakhtiiyaan, waxaanu maareeye ku xigeeku u mahadnaqay Ilaahay oo u fududeeyey in la bakhtiiyo dabkaasi, waxa kale oo uu u mahadnaqay dadkii kala duwanaa iyo shirkadii kala qaybqaatay bakhtiinka markabka gubanayey.

Maareeye ku xigeenku waxa uu sheegay in Afar ka mid ah shaqaalaha dekaddu uu dhaawac ka soo gaadhay, kuwaas oo lagu dawaynayo cisbitaalka magaaladda Berbera.

Markabka ayaa waxa leh ganacsadaha sucuudiga ah ee Saleebaan Al-jaabiri waana markab aad u weyn oo ka kooban toddoba dabaq, balse wax khasaare badani ma soo gadhin waana laga gaadhay gurmad badan oo uu helay.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland