4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2012
Shacabka Muqdisho oo laga dalbaday inay gacan ka geystaan qabsoomidda shirka lagu ansixinayo Dastuurka Cusub
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Guddoomiyahha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ka dalbaday shacabka ku nool magaalada Muqdisho inay gacan ka geystaan qabsoomidda shirka lagu ansixinayo dastuurka oo maalmahan ka furmaya Muqdisho.

Duqa Muqdisho oo sheegay in la waayay dhaqaalihii lagu ansixin lahaa dastuurka looga baahan yahay ganacsatada iyo guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir inay gacan ka geystaan sidii ergada ansixinta dastuurka ay u martigelin lahaayeen.

"Shacabka Muqdisho waxaa sharaf u ah inay in lagu dhiso caasimadda Soomaaliya jamhuuriyaddii labaad, sidaasi darteedna looga baahan yahay in iyagoo isku duuban ay marti-geliyaan ergada ansixinta dastuurka qaybyada ah," ayuu yiri Tarsan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hootsa ka xariiqay in sidoo kale ay lagama maarmaan tahay in wax laga qabto ammaanka Muqdisho maadaama aan shir lagu qaban karin goob aan ammaan ahayn.

"Shirka ansixinta dastuurka wuxuu soconayaa 15-maalmood, shacabka Muqdisho waxaa looga baahan yahay inay gacan ka siiyaan hay'adaha ammaanka sidii lagu xoojin lahaa ammaanka caasimadda," ayuu yiri duqa Muqdisho.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo xukuumadda KMg ah ay dhawaan sheegtay in si KMG ah loo xirayo jidadka Muqdisho qaarkood si loo sugo ammaanka dugsiga tababarka booliiska oo la filayo in lagu ansixiyo dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya