4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2012
Danjire Augustine Mahiga oo ka digay in la carqaladeeyo dadaallada ay Soomaaliya uga baxayso xilliga KMG ah
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa u digay cid walba oo isku dayda inay carqaladayso hanaanka geedi-socodka ah ee looga baxayo xilliga kala guurka ah.

Danjire Mahiga, ayaa hadalkan ku sheegay warqad uu u diray Soomaalida dibadaha ku nool, isagoo tilmaamay in xilligan kaddib aysan beesha caalamku u dul-qaadan doonin in la carqaladeeyo qorshaha hadda socda ee la doonayo in dalka looga saaro KMG-nimada; loona gudbo dawlad joogto ah oo ay Soomaaliya yeesho.

“Uma dul-qaadan doonno cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso howsha socota ee looga baxayo xilliga kala guurka ah," ayuu yiri dahiga Mahiga oo intaas ku daray in xisbiyada siyaasadeed iyo shaqsiyaadka kale oo doonaya inay doorashooyin ka dhacaya dalka ku abuuraan qas ay beesha caalamku ka qaadi doonto tallaabo adag.

Sidoo kale, Mahiga wuxuu ka dalbaday qurbo-joogta Soomaalida inay dooorkooda ka qaataan dadaallada la doonayo in Soomaaliya ay ku gaarto dowlad dhameystiran ayna ka baxdo xiliga KMG ah, isagoo tilmaamay in la joogo waqtigii ay Soomaalida dibadaha jooga gacan ka geysan lahaayeen mustaqbalka dalkooda.

"Horay ayay Qaramada Midoobay u sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonto ciddii isku dayda inay hor-istaag ku sameyso Roadmap-ka; waxaana amarkan loosoo saaray si loo taageero qorshayaasha Roadmap-ka iyo howlaha socda," ayuu yiri Mahiga.

Danjire Mahiga ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo beegay xilli ay lix toddobaad ka harsan tahay xilliga ay shaqeynayso DKMG ah ayna socdaan dadaallo ay dowladda KMG ah ku doonayso inay ku dhameystirto qorshaha looga gudbayo ku-meel-gaarnimada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya