4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2012
Madaxweyne Sheekh Shariif oo Odayaasha Dhaqanka ka codsaday inay faraha kala baxaan Ansixinta Dastuurka Qabyada ah
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha DKMG Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho inay faraha kala baxaan ansixinta dastuurka oo lagu wado in maalmaha soo socda uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu xarunta madaxtooyada shalay kula yeeshay odayaasha dhaqanka, isagoo u sheegay in ansixinta dastuurka loo daayo ergada ay soo xulayaan ee tiradoodu tahay 825-ka xubnood.

"Madaxweynuhu wuxuu naga codsaday inaan faraha kala baxaan ansixinta qabyo-qoraalka dastuurka aana u gudbinno ergooyinka aan soo xulayno," ayuu yiri Malaaq Shiino oo ka mid ah odayaashii kulanka la qaatay madaxweynaha la kulmay.

Codsiga madaxweynaha Soomaaliya ee ku aaddan inay odayaasha dhaqanku aysan lug ku yeelan ansixinta qabyo-qoraalka dastuurka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo odayaasha dhaqanka ay dhawaan ka hadleen saddex qodob oo dastuurka ka mid ah kuwaasoo mid ka mid ah ay ogolaadeen halka laba kalena ay diideen.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ee ku aaddan odayaasha dhaqanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado in maalmahan uu ka furmo Muqdisho shir lagu ansixinayo dastuurka qabyada ah ee Soomaalia.

Waxaa jira hadallo ay murashaxiinta u tartamaya xilka madaxnimo ee Soomaaliya ay ku eedeeyaan madaxda dowladda KMG ah, kuwaasoo ay ku sheegaan inay iyagu isku koobeen la kulanka odayaasha dhaqanka si iyaga mar kale dib loogu soo doorto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya