4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2012
Xulka Spain oo ku guuleystay Koobka Qaaradda Yurub

Axad, July 01, 2012(HOL): Xulka Spain ayaa markii 2aad ku guuleystay koobka qaaradda Yurub kaddib markii uu 4—0 ku dhuftay xulka Italy oo rajo ka qabay in uu koobkan hanto.

Ciyaar aad u xiiso badan oo  labada xul ku dhexmartay magaalada Kiev ee dalka Ukraine ayay 90-kii daqiiqadood ku soo gebagebowday 4—0 oo ku guusha ku raacday xulka Italy. Xulka Spain ayaa intii ay ciyaarta socotay waxaa uu muujiyay ciyaar xirfaddeeda aad u heer sarreyso, taasi oo uu xulka ku helay afarta gool.

Goolasha uu ku badiyay xulka Spain ayaa waxaa u kala dhaliyay: Silva daqiiqaddii 14aad, Jordi Alba daqiiqaddii 41aad, Torres daqiiqaddii 84aad iyo Mata daqiiqaddii 88aad. Xulka Talyaaniga ayaa dhankiisa wuxuu iska khasaariyay fursado goolal loo fishay.


Xulka Spain ayaa seddex koob oo isku xiga ku guuleystayEuro cup 2008, World Cup 2010 iyo Euro cup 2012 wuxuuna  xulkani yahay mid isku xiran tan iyo sanadkii 2010-ka oo uu ku guuleystay koobkii Adduunka ee lagu qabtay dalka Koofur Afrika.

Waa Kubbada Cagta  iyo xaalkeedee waxaa uu Xulka Italy kala carraabay magaalada Kiev billado, halka uu xulka Spain isku qaatay Koobkii Qaaradda Yurub iyo Billadihii.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]