4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2012
Munaasabad lagu xusayay 1-da Luuliyo oo uu ka qaybgalay Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)

Axad, July 01, 2012 (HOL) — Munaabasad lagu xusayay 1-da Luuliyo ayaa maanta ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Banaadir, kaasoo ay ka qaybgaleen madax ka tirsan dowladda KMG ah oo uu ku jiray madaxweynaha iyo kumannaan dadweyne ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) oo munaasabadda furay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay goob ammaan ah, ayna taas daliil u tahay xuska maalinta xoriyadda oo si nabad ah loogu qabanayo bartamaha magaalada.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin qiime gaar ah ugu fadhida shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Soomaalida dibadda dalka ku nool uu u sheegayo in Muqdisho ay tahay nabad ayna kusoo laaban karaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif oo isaguna goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maanta ay si weyn uga duwan tahay sannadkii hore maanta oo kale, isagoo sheegay in goobtan ay ku sugnaayeen Al-shabaab maanta ay iyaga ku sugan yihiin.

"Halkaan waxay ahayd sannadkii hore meel ay gacanta ku hayeen kooxaha nabadda diiddan, maanta waxaa gacanta ku haysa dowladda, mahadeedana waxaa iska leh ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.


Sheekh Shariif wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qayb ka qaataan sidii lagu soo celin lahaa nabadda iyo dowladnimada Somalia, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo in sannadkan kiisa kale lagu gaaro bash-bash, barwaaqo iyo horumar.

Ugu dambeyn, dadweynihii dabaal-degga ka qaybgalay ayaa waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin xuska 1-da Luuliyo lagu qabto sannadkan garoonka Banaadir Istaadiyum oo ay sannadkii hore gacanta ku haysay Al-shabaab.

Munaasabado kale oo kuwan la mid ah ayaa ka dhacay maamul goboleedka Puntland, deegaannada ay ka taliso Ahlusunna iyo weliba Koonfurta Gaalkacyo uu ka taliyo maamulka Galmudug.













Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya