4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2012
Munaasabado lagu xusayay 1-da Luuliy oo xalay ka dhacay Gobollada Gedo, Bakool, Bay, Hiiraan iyo Shabeellooyinka

Axad, July 01, 2012 (HOL) — Munaasabado lagu xusayay sannad-guuradii 52-aad ee kasoo wareegtay markii ay gobollada Koonfureed xoriyaddooda ka qaateen dalka Talyaaniga ayna midoobeen gobollada Koonfureed iyo waqooyi ee Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay gobollada dalka qaarkood.

Xaflado ay dadweyne iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada Kenya, Itoobiya iyo AMISOM ayaa ka dhacay degmooyinka ay dowladda KMG ah kaga sugan tahay gobollada Bay, Hiiraan, Shabeellooyinka, Gedo iyo Bakool waxaana laga jeediyay hadallo ku aaddan maalinta xorriyadda.

Mas'uuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Baydhabo ayaa ka hadlay xaflad xalay halkaas ka dhacday iyagoo sheegay in xorriyadda aan si fudud lagu helin loona baahan yahay in shacbka ku nool gobolladaas ay gacan siiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee caawinaya.

Degmooyinka Bayhabo, Afgooye, Balcad, Xudur iyo Baladweyne ayay noqonaysaa markii ugu horreysay oo lagu qabto munaasabado lagu xusayo 1-da Luuliyo kaddib muddo sannado ah oo ay gacanta ku haysay Al-shabaab.

Shacabka ku nool degmooyinkaas ayaa xalay isugu soo baxay munaasabadihii lagu qabtay, waxaana dadkaas qaarkood oo goobta ka hadlay ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in degmooyinkooda lagu qabto sannado kaddib munaasabadda 1-da Luuliyo.

Ciidamada ku sugna gobolka Gedo ayaa sheegay inay qabteen xoogag Al-shabaab iyo gaari ay wateen oo doonayay inay inay carqaladeeyaan munaasabad Balad-xaawo ka dhacaysay, kuwaasoo ay soo taagi doonaan maxkamad.

Ammaanka degmooyinkii ay munaasabaduhu ka dhacayeen ayaa aad loo adkeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa gacanta siinaya ee ku sugan halkaas, waxaana saraakiisha ciidamada shisheeye oo halkaas ka hadlay ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin inay ka qaybgalaan xuska maalinta xorriyadda dalka.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya