4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 9 , 2012
Xisbiga KULMIYE oo iska fogeeyay inay ku shubteen Codadkii Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka Somaliland
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi ayaa beeniyay in xisbigiisu uu ku shubtay codadkii doorashada Somaliland ee bishii hore dhammaadkeeda la qabtay, isagoo sheegay in haddii ay cabsho jirto loo baahan yahay in laga dacwoodo maxkamadaha dalka.


Xisbiga Kulmiye ayaa codad badan ka helay doorashooyinkii ka dhacay guud ahaan Somaliland, taasoo keentay in lagu eedeeyo Xisbiga KULMIYE inuu wax is-dabamarin sameeyay, iyadoo dhimasho iyo dhaawac ay sababtay natiijadii looga dhawaaqay magaalada Hargeysan maalin ka hor.

“Waxaan idin sheegayaa in xisbiga KULMIYE uusan samayn wax ku shubasho cod ah mana jiri mas'uul ka tirsan xisbiyada oo inta noo yimaada na yiraahda waxaas ayaan ka cabanaynaa. Sidoo kalena guddiga doorashada wax eed ah noogama iman,”ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Qofkii tartanka ku guuleysta wax walba ayaa laga filan karaa, taasi waa mid ka dhacda dunida oo dhan, waayo qofku wuxuu isku dayayaa inuu raadsado wax uu ku hadlo. Xisbi ahaan gobol walba natiijadii kasoo baxday iyo codadkii aan helnay waxaa noosoo gudbiyay guddiga doorashada; xisbi walbana wakiillo ayaa u joogay deegaannada doorashadu ka dhacday iyo goobihii lagu tiriyay intaba."

Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu sheegay inaysan jirin cid awood u leh inay faragelin ku sameyso codadka murashaxiinta, sidoo kalena aysan jirin xisbi ama cid dadka ku qasabtay inay iyaga doortaan.

“Ciddii ku qanci wayda natiijada doorashada ee leh waxbaa inaga khaldan waxaa u furan inay maxkamadda tagto oo ay tilmaantaa waxay ka cabanayso si ay go'aan uga gaarto maxkamaddu cabashadiida," ayuu yiri Muuse Biixi oo sheegay inay diyaar u yihiin inay ka gar-baxaan cid walba oo eed u haysatay xisbigooda.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE wuxuu ammaanay u jeediyay guddiga doorashada Somaliland, ururradii ka qayb-galay doorashada iyo weliba musharrixiintii tartamayay, isagoo sheegay sidoo kalena u mahadceliyay xubnihii caalamiga ahaa ee doorashada Somaliland goobjoogayaasha ka ahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya