4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 9 , 2012
Bambaano lagu weeraray Shineemo Aflaam iyo Ciyaaro laga Daawanayay oo Sababtay Dhimasho iyo Dhaawac

Axad, December 09, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay ku dhawaad shan qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray bambaano xalay fiidkii lagu weeraray shineemo Muqdisho oo ku taalla degmada Wadajir, xilli halkaas lagu daawanaya ciyaaro iyo filimaan kale.

Goobjoogayaal ayaa sheegay bamka lagu tuuray gudaha shimeedaha cidii weerarka geysatayna ay markiiba goobta ka baxsadeen, iyadoo qof dhintay iyo shanta kale ee dhaawacmay dhammaantood ay ahaayeen shacab.

"Wiil dhallinyaro ah ayaa bambka soo tuuray goobtana wuu ka baxsaday," ayuu yiri Macallin Maxamuud Saneey oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, isagoo sheegay inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo qofkii ka dambeeyay weerarkaas.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa shineemada ayaa la sheegay inaysan wax khasaare ah soo gaarin bamkii lagu weeraray shineemada, mana jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkaas.

Dadkii ka badbaaday weerarka ee shineemada ku sugnaa aya markiiba goobta isaga cararay, iyadoo ciidammo ka socda kuwa dowladda ay tan iyo xalay ku sugnaayeen shineemada iyo agagaarkeeda, waxaana weerarkan uu kusoo beegmayaa xilli ay ka jiraan Muqdisho howgallo lagu qaadayo isbaarooyinka.

Degmada Wadajir ayaa ka mid noqotay degmooyinka ay ka dhacaan falalka rayidka lagu beegsanayo, iyadoo sannadkan degmadaas lagu dilay dad badan ay ka mid ahaayeen shan suxufi oo ka howgalayay Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya