4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2012
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Gaaray Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne

Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo koox fanaaniin ah ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan, halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobolka.
 
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hor inta aan loo soo gudbin gudaha magaalada waxaa ay kulan ay alabaabada u xiran yihiin kula qaateen xarunta ciidamada midowgga Africa AMISOM ee duleedka magaalada mas’uuliyiinta gobollka iyo, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa.

Xildhibaan Cali Nuur Xusseen Boodaaye oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka maanta gaaray magaalada Baladweyne oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in safarkooda uu qeyb ka yahay safaro ay horay magaalada ku soo gaareen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, isaga oo sheegay in ay u kuur-galayaan oo kaliya xaalada guud ee magaalada.



"Waan is aragnay saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM, runtiina warbixin ayaan ka dhageysanay la xiriirtay xaalada nabad-galyo iyo sida ay howlaha u socdaan, waxaana oran karnaa shaqo wanaagsan ayeey qabteen walina hayaan ciidamada," ayuu yiri xildhiabaanka.

Mudanayaasha baarlamaanka iyo xubnaha kale ee wafdiga maanta soo gaaray magaalada Baladweyne ayaa la socday diyaarad nooca rakaabka qaada ah oo sida la sheegay Sabti waliba duulimaad rasmi ah ku tagi doonta magaalada Baladweyne.

Kooxda Fanaaniinta ah ee ka tirsaneyd wafdiga maanta tagay magaalada Baladweyne ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda si joogaan magaalada, iyaga oo ka qeyb-qaadan doona munaasabad tababar loogu soo xirayo ciidamada ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya