4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2012
Puntland oo Kordhisay xilliga Furashada Xisbiyada Siyaasadeed iyo Qiimihii Diiwaangelinta oo hoos loo dhigay
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada Puntland ayaa saddex toddobaad oo dheeraad ah ku kordhiyay mudada furashada xisbiyada oo xiligii horay loogu qabtay uu dhammaad ku dhow yahay.

Maxamed Xassan Barre oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa sabab uga dhigay muddo kordhinta codsiyo uu sheegay inay kaga yimaadeen shacabka Puntland qaarkood iyo inay socdaan abaabullada lagu furanayo xisbiyada.

Puntland oo dhawaan ku dhawaaqday inay u guurtay hannaanka xisbiyada ayaa waxaa lagu dhawaaqay saddex xisbi oo keliya, kuwaasoo uu ku jiro xisbiga Horseed oo uu guddoomiye u yahay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.

Gudiga doorashada waxay sidoo kale ku dhawaaqeen inay qiimo dhimis 50% ah ku sameeyeen lacagaha lagu diiwaangeliyo xisbiyada taasoo horay u ahayd 15,000 oo dollar, balse hadda laga dhigay 75,00 oo dollarka Mareykanka ah.

Furshada xibsiyada ayaa waxay kusoo beegmaysaa xili uu dhamaad ku dhow yahay afartii sano ee madaxweyne Faroole loo doortay inuu xilka hayo, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in la qorsheynayo in hal sano oo dambe uu xilka sii hayo Faroole.

Maamulka Puntland ayaa weli ka mid ah Soomaaliya, waxaana dhawaan loo sameeyay dastuurkii ugu horreeyay oo ku saleysan hab-dhaqanka xisbiyada, iyadoo maamulka Puntland ay sheegeen inay tani tahay fursad ay Puntland kaga gudbayso hab-beeleedkii awooda lagu qaybsan jiray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya