3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2012
Faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka Dhacay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi

Sabti, December 08, 2012  (HOL) - Shan qof ayaa ku dhimatay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax xalay lala eegtay Xildhibaan Yuusuf Xasan xilli uu doonayay in uu dadweeyne kula hadlo afaafka hore ee masaajid ku yaal wadada loo yaqaan Jam street oo ka tirsan xaafadda islii ee magaalada Nairobi.

Qaraxa ayaa dhacay xilli laga soo baxay saaladda Cishaha, waxaana xildhibaanka uu doonayay in uu qudbad u jeediyo dadweeyne fara badan oo halkaasi salaadda kusoo tukaday, haseyeeshee waxa goobta ka dhacay qarax bambaano oo lagu soo tuuray halkii uu xildhibaanku taagnaa.

“Qaraxa waxa uu ka dhacay iridda hore ee masaajidka, waxaan filayaa inuu ahaa Bam xildhibaanka lagu soo tuuray,” ayuu yiri Max’ed C/laahi oo kamid dadkii masaajidka ku sugnaa xilligii uu qaraxu dhacayay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku dhintay hal qof, waxaana ay dhaawacyo isugu jira kuwo fudud iyo qaar halis ah ay kasoo gaareen ilaa sideed qof oo uu ku jiray xildhibaanka, kuwaasoo la dhigay isbitallada Madina Hospital iyo Aga Khan ee magaalada Nairobi, haseyeeshe ilaa afar qof oo kale ayaa la sheegay in ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan qaraxa, waxayna sheegeen in qaraxani u muuqday mid la doonayay in lagu qaarijiyo xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay dhaawacyo kasoo gaareen labada lugood iyo gacanta bidix, waxaana imika  lagu daweynayaa isbitalka Aga Khan ee magaalada Nairobi.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ah xildhibaan laga soo doorto degmada Kamakunji ee magaalada Nairobi ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxa uu waday olole dhanka doorashooyinka ah, waxaana shalay salaaddii jimcaha kadib uu boqollaal qof kula hadlay masaajidka ku yaal wadada 12-ka ee xaafadda Islii halkaasoo ay dadweeynuhu ku weeydiinayeen su’aallo kala duwan.

Xildhibaanka ayaa xalay doonayay in uu la hadlo qaar kamid dadkii kusoo tukaday masaajidka oo iyagu doonayay in ay weeydiiyaan su’aalo.

Meydadka dadkii ku dhintay weerarkii xalay ayaa la filayaa in maanta la aaso, waxaana xaaladda Islii ay tahay saaka mid dagan, iyadoona uu caadi kusoo noqday dhaqdhaqaaqii ganacsi iyo isu socodkii dadka iyo gaadiidka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online,
[email protected]
Nairobi – Kenya













Click here
12/8/2012 9:52 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Waxaa maanta qabuuraha Muslimiinta ee magaalada Nairobi lagu aasay qaar kamid ah dadkii ku dhintay qaraxii xalay ka dhacay masaajid ku yaal xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

12/8/2012 8:31 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo koox fanaaniin ah ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan, halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobolka.

12/8/2012 8:22 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada Puntland ayaa saddex toddobaad oo dheeraad ah ku kordhiyay mudada furashada xisbiyada oo xiligii horay loogu qabtay uu dhammaad ku dhow yahay.

12/8/2012 7:35 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in dib loogu noqonayo tirintii sanaaduuqda degmadda Hargeysa ee natiijadeedu rabshaduhu ka dhasheen, isla markaana hakiyeen natiijadii ku meelgaadhka ahayd ee lagu dhowaaqay.

12/8/2012 7:24 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa xakun xabsi daa’in ah ku ridday maanta oo Sabti ah taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Jen. Cabdi Maxamad Ismaaciil (Indho-buur) kaddib markii lagu eedeeyay inuu xabsiga dhexe kasii daayay 14 maxaabiis oo Al-shabaab ka tirsanaa.

12/8/2012 6:51 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo uu ku dhaawamay xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya.

12/8/2012 6:30 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolka Galguduud ayaa ka manuucay xarunta gobolkaas ee Dhuusomareeb in hub lagu dhex qaato iyo si macno-darro ah rasaas loogu dhex-rido, iyagoo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii jabisa amarkaas.

12/8/2012 3:10 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho saddex maalmood qaadatay ku tagay dalka Turkiga ayaa sheegay in waxyaabihii ugu weynaa ee uu kala hadlay madaxda dalka Turkiga ay ugu muhiimsanaayeen sidii ammaanka dalka loo sugi lahaa.

12/8/2012 3:04 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ayaa lagu qabtay kulan ay talooyin iyo su’aalo ay isku dhaafsanayeen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxemed Cismaan Jawaari iyo dhallinyarada magaalada Muqdisho. Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay noociisa oo ay yeeshaan madaxda dalka iyo dhallinyarada Muqdisho.