4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2012
Qarax ay dad badan waxyeello kasoo gaartay oo xalay ka dhacay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Qarax xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Nairobi gaar ahaan waaaxda California ee xaafadda Islii ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca todobo kale.


Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa ka dhacay nawaaxiga Supermarket loo yaqaan Joster, halkaas oo hadda kahor uu qarax ceykan oo kale ah ka dhacay. Waxaana qaraxani uu sababay waxyeelo soo gaartay dadkii wadadaasi marayay.

Booliska ayaa xaqiijiyay in mid kamid ah dadkii ku waxyeeloobay qaraxa uu ku dhintay isbitalka, waxayna sheegeen in qaraxu ahaa Bambaano goobta lagu sii diyaariyay.

Taliyaha booliska Nairobi Moses Ombati oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa Bomb, wuxuuna intaa ku daray in aysan jirin ilaa imika cid loo qabtay qaraxaasi, balse ay socdaan baaritaanno.

Ilaa imika lama garanayo ciddii ka danbeeysay qaraxaasi, haseyeeshee booliska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan arintaasi, waxayna sheegeen in ay gacanta ku soo dhigi doonaan kooxaha fuliyay qaraxa.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli dhawaan qarax xooggan gudaha xaafadda ay Soomaalidu degto ee Islii lagula eegtay gaari rakaab ah, kaasoo sababay dhimashada 10 qof iyo dhaawaca in ka badan 30 qof..

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi - Kenya