4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2012
Degmooyinkii u dambeeyey ee Somaliland oo la shaaciyay Natiijooyinkii ay ka heleen doorashooyinkiii golaha Deegaanka
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Dadweynaha reer Somaliland oo maalmihii u dambeeyey is-waydiinayey urur waliba gobolada codadka uu ka helay iyo inta musharax ee usoo baxday, ayaa waxa iska soo daba dhacaya degmooyinkii u dambeeyey natiijadii ay ururadu iyo xisbiyadu ka haleen.

Inkastoo magaalooyinka waaweyn si weyn loo sugayey ayaa waxa ilaa shalay lagu dhawaaqay saddex magaalo oo waaweyn, kuwaas oo kala ah degmadda Burco, degmadda Berbera iyo Degmadda Gabiley, waxaana hadda hadhsan magaaladda Hargeysa oo iyadu ka kooban shan degmo oo waaweyn, kuwaas oo ururadu ku kala hadhi doonaan.

Haddii aynu ku horeeno degmadda Gabiley waxa guddida doorashooyinka ee degmadaasi shaaciyeen 21 xildhibaan ee golaha deegaanka ee magaaladda Gabiley, waxaana guud ahaan ka codeeyey 67,424(todoba iyo lixdan kun afar boqol iyo afar iyo labaatan kun), waxaanay ururadu u kala heleen sidan

1.Xisbiga KULMIYE ayaa helay  21,693, waxaana usoo baxay toddoba xildhibaan oo kala ah:

1-Cabdiqaadir Maxamed Faarax  
2- Cabdi Ciidle Cali Ismaaciil  
3- Cibaado Maax Cilmi  
4- Shucayb Maxamed Muuse  
5- Cali Maxamed Sheekh Saleebaan  
6- Maxamed Amiin Cali Alaalle  
7- Dr. Axmed Cali Maxamed

2. xisbiga Ucid  wuxuu helay 13440 cod, waxaana u soo baxay afar xildhibaan, waxayna magacyadooddu kala yihiin:

1. Cumar Cali Obsiiye  
2- Maxamed-Amiin Cumar Cabdi  
3- Caydaruus Cabdilaahi Sheedaal  
4- Mahdi Maxamed Xaashi Jaamac

3. Ururka Wadani - 12,158 cod ayuu helay, waxaana usoo baxay Afar xildhibaan, waxayna magacyadoodu kala yihiin:

1- Xasan Axmed Maxamed Aadan  
2- Cali Maxamuud ismaaciil  
3- Iid Xasan Cabdi  
4- Cabdicasiis Cabdilaahi ismaacii

4.  Ururka Rays--6,939 cod buu helay, waxaana usoo baxay laba xildhibaan, oo kala ah:

1- Cabdisamad Sheekh Aadan Amiin  
2- Axmed Siciid Kibaar

5. Ururka Dalsan—6,547 cod ayuu helay, waxaanu usoo baxay laba xildhibaan oo kala ah.

1- Cali Axmed Yuusuf Xaashi  
2- Mustafe Sayid Abokor

6. Ururka Xaqsoor-3,195 cod ayuu helay,  waxaana usoo baxay hal xildhibaan: 1- Nimco Axmed Cabdi

7. Ururka Ummada-2425 cod ayuu helay,waxaana usoo baxay hal xildhibaan. 1- Cabdi Yuusuf Daahir Goole

Sidoo kale, waxa iyaguna lagu dhawaaqay degmadda Burco ee gobolka Togdheer waxaana ka codeeyey 129.271 qof, waxaanay u kala heleen ururada iyo xisbiyadu sidan:

1.Xisbiga Kulmiye oo helay, 35,816 cod oo u dhiganta 7 Xildhibaani oo kala ah.

Nuux Maxamed Xuseen,
Ibrahim Jamac Basaale (Gaboobe),
C/Raxmaan Xasan Nuur,
Maxamed Axmed Xasan (Diingool)
Mubaarik Yuusuf Cilmi(Bidhi),
Axmed Cabdi Dhinbiil,
C/Risaaq Muxumed Jamac Aar

2.Ururka Wadani oo helay, 22,698 cod oo u dhiganta 5 xildhibaan.

Axmed Maxamed Cali,
Maxamuud Axmed Xasan Dhegalaab),
C/Risaaq Xuseen Obsiye,
C/Kariin Maxamuud Cabdilaahi,
Xirsi Jaamac Cabdi

3. Ururka Rays oo helay, 19,656 cod oo u dhiganta 4 xildhibaan.

Khadar Nuux Siciid,
Siciid Axmed Maxamed Raage,
Maxamed Yuusuf Cabdi,
Max’ed Aadan Cali

4. Ururka Ummadda oo helay,14,464 cod oo u dhiganta 3 xildhibaan.

Muxumed Xasan Jaamac ( Xoday),
Rashiid Faarax Gacanlaw,
Farxaan Cabdi aw Xirsi

5.Ururka Xaqsoor oo helay, 2,994 cod oo u dhiganta 1 xildhibaan. 1. Kayse Cabdi Raage

6. Xisbiyaga UCID oo helay, 5,832 cod oo u dhiganta 1 xildhibaan: 1. C/Risaaq Xuseen Faarax Janaale

7.Ururka Dalsan waxa uu helay 1,842, nasiibdaraso wax xildhibaan ugama soo bixin Burco.

Degmadda Berbera oo iyana la shaaciyey xildhibaanadii soo baxay iyo sida ay u kala heleena waxay kala yihiiin sidan.

1. Xisbiga KULMIYE waxa u codeeyey 17261 qof, oo u dhiganta 9 xildhibaan oo kala ah:

Cabdale Maxamed Carab,
Rashiid Aadan,
Xaaji Nuur Cawl,
Cali Cabdi Dheere,
Mustafe Xoolow,
Daahir Aw-nuur,
Maxamud Cabdilaahi Bidhiidh,
Jamac Samatar Hakida,
Rashiid Haaruun,

2-Xisbiga  UCID isna waxa u codeeyey 10929 oo u dhiganta 5 xildhibaan:

Cabdishakuur Cidin,
Iid Saleebaan,
Muuse Daa’uud Cilmi,
Saleebaan Cali Khayre iyo
Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf

3. Ururka WADANI waxa u codeyey  6,272 qof oo u dhiganta 3 xildhibaan oo kala ah:

Baashe Cabdilahi,
Maxamud Cabdilahi Fiiqay,
Cabdiraxmaan Xuseen

4-Ururka  RAYS waxa u codeeyey 3,853 qof oo u dhiganta laba xildhibaan oo kala ah:

Ismaaciil Xaamud,
Maxamud Maxamed Hurre

5- Ururka Ummadda waxa uu helay  2,139 cod oo u dhiganta hal xildhibaan oo ah: Maxamed Cali Xaji Axmed

6- Ururka Xaqsoor  waxa uu helay  2,123 Cod oo u dhiganta hal xildhibaan oo magaciisa la yidhaa Aadan Axmed Cali.

7. Ururka Dalsan waxa uu helay 6,80 Cod, balse wax xildhibaan ugama soo bixin degmadda Berbera.

Si kastaba ha ahaatee, degmooyinka Hargeysa oo si weyn loo naawilayey ayaan wali lagu dhawaaqin, waxaase la filayaa in maanta lagu dhawaaqi doono, iyadoo shalay labaddii galinba ay dadku  hor tubnaayeen komishanka horteedda.

Dhinaca kale, Waxa marba mar ka dambaysay kor u sii kacaya xamaasadda doorashada, iyadoo taageerayaasha xisbiga la sheego inuu hadhay ay aad u cadhoonayaan, taasina waxay keentay in habeen hore nin Tooray ku dhuftay gabadh wax ka sheegtay ururku taageersanaa.

Ninkan falkan foosha xun sameeyey ayaa magaciisa lagu sheegay Siciid Muxumed Cali, kaasi oo tooray ama middi dhawr meelood ka galiyey gabadh wax ka sheegtay ururkii uu taageersanna ninkaasi.

Haseyeeshee haweenaydan oo magaceeda la yidhaa Ardo Mumin ayaa cisbitaalka guud ee magaaaladda Hargeysa loola cararay, taas oo xaaladeeda lagula tacaalayo cisbitaalka.

Gabadhan ayaa meherad jaadka lagu iibiyo ku haysatay badhtamamaha magaaladdda Hargeysa, haseyeeshee ninkii falkaasi geystay ayaa markiiba isku dhiibay ciidanka booliska.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland