4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 5 , 2012
Kulan looga hadlay Ammaanka oo Madaxda dowladdu ay ka qayb-galeen oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho
Arbaco, December 05, 2012 (HOL) — Kulankan oo ahaa mid ay albaabbadu u xiran yihiin ayna ka qaybgaleen guddoomiyaha baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynaha Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari iyo ra'iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay intiisa badan sidii loo adkeyn lahaa ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo sidii looga hortegi lahaa dhibaatooyinka loo geysanayo shacabka ku nool, sida madaxdii kulankaas ka qaybgalay ay u sheegeen saxaafadda.

"Dowladda Soomaaliya iyo xukuumadduba ma ogolaan doonto in shacabka waxyeello loo geysto," ayuu yiri ra'iisul wasaare Saacid oo saxaafadda la hadlay markii lasoo gabgabeeyay kulankii looga hadlay ammaanka, isagoo sheegay in isku imaanshaha kulankan uu ka dhashay duqeyntii xalay ka dhacday Muqdisho.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale, sheegay in shacabka looga baahan yahay inay xukuumadda gacan ku siiyaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd kuwii ka dambeeyay falalka lagu waxyeelleeyay shacabka, isagoo sheegay inay ka socdaan Muqdisho baaritaano lagu raadinayo kuwii ka dambeeyay duqeyntii xalay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari oo isaguna warbaahinta la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka hortagaan dhibaatooyinka loo geysanayo, isagoo xusay in dhibaatooyinkaan dhacaya ay yihiin kuwo shacabka lagu hayo; balse aysan ahayn mid lagu hayo xukuumadda oo kaliya.

"Dhacdadii xalay dhacday ma ahan tii ugu horreysay oo Muqdisho ka dhacda, balse si adag ay dowladdu uga hortagaysaa, haddana waxaa socda olole ku saabsan sidii looga hortegi lahaa falalkaas," ayuu yiri Prof. Jawaari.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynuhu wuxuu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inbay garab ku siiyaan hay'adaha ammaanka sidii lagu soo qaban lahaa kuwii duqeyntii xalay ka dambeeyay.

Duqeyntii xalay oo ahayd hoobiyeyaal ayaa waxaa ku dhaawacmay shan qof oo ay ku jiraan dad waayeel ah, kuwaasoo intooda badan qaba dhaawacyo halis ah, balse xukuumaddu ma sheegin inay dadka dhaawacyadoodu daran yihiin u qaadayso dalka dibaddiisa iyo in kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya