4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 5 , 2012
Iska-horimaad Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan u dhexeeya Baydhabo iyo Qasaxdheere

Arbaco, December 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan toban ruux ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray shalay gallinkii dambe deegaan u dhexeeya degmooyinka Baydhabo iyo Qasaxdheere ee gobolka Bay.

Dagaalkan ayaa qarxay markii ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo uu la socday guddoomiyaha gobolka Bay iyo mas'uuliyiin kale ay weerar gaadmo ah ku qaadeen xoogag taabacsan Al-shabaab, halkaasna uu ka dhacay dagaal muddo socday.

"Waxaan ku dilay dagaalkii shalay 16 Al-shabaab ka tirsan, waxaana gacanta ku dhignay sideed kale oo nool," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bay, Cabdifataax Maxamed Geeseey oo intaas ku daray inay jiraan khasaare soo gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab oo ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay inay khasaare ugu geysteen ciidammo Soomaali ah iyo kuwo Itoobiyaan ah oo kasoo tagay degmada Qansaxdheere kuna socday degmada Baydhabo, inkastoo aysan sheegin inta khasaaradu le'eg tahay.

Guddoomiyaha gobolka Bay, wuxuu sheegay in deegaannadii lagu dagaalamay ay iyagu gacanta ku hayaan ayna socdaan baaritaanno lagu raadinayo xoogaggii ka haray kuwii ay la dagaalameen.

"Degmada Baydhabo si nabad ah ayaan kusoo gaarnay, waxaana soo bandhigi doonnaa maxaabiista aan Al-shabaab ka qabannay iyo hubkii aan ka furannay kuwii aan dilnay," ayuu yiri Geeseey oo saxaafadda la hadlayay isagoo Baydhaob ku sugan.

Gobolka Bay ayaa waxaa tan iyo billowgii sannadkan ka jiray dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanayay kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya