4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 4 , 2012
Taliyaha Ciidamada Ilaalada Waddooyinka Muqdisho oo ka hadlay dhaawac loogu geystay Degmada Waaberi
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali-gaab) ayaa ka hadlay dhaawac fudud oo uu u geystay askari la sheegay inay isbaaro u taallay jidka 21-Oktoobar ee degmada Waabeir ee Magaalada Muqdisho.

Dhaawaca taliyaha ayaa la dhigay isbitaalka Daarul-shifa oo ah mid gaar loo leeyahay oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama, iyadoo la sheegay in askarigii dhaawaca u geystay sarkaalka uu baxsaday.

Jen. Cali Gaab oo ka hadlay dhaawiciisa ayaa sheegay inuu yahay mid aad u fudud, wuxuuna sheegay in warbaahinta Soomaalida qaarkeed lagu baahiyay warar lagu sheegay in dhaawiciisa uu halis yahay ama uu dhintay, isagoo xusay inaysan waxba ka jirin arrintaas oo uu nool yahay caafimaadna qabo.

"Dhaawac wuu i gaaray, balse waa mid fudud oo aan ahayn sida loo sheegay," ayuu yiri Jen. Cali-gaab oo la hadlayay warbaahinta isagoo ku sugnaa isbitaalka la dhigay dhaawiciisa, wuxuuna sheegay inuu howshiisa sii wadan doono daweyn kaddib.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaanahan ka socday howgallo lagu qaadayay isbaarooyinkii yaallay degmooyinka gobolka Banaadir oo kor u dhaafayay illaa lixdan isbaaro kaddib amar kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Jen. Cali-gaab ayaa noqonaya taliyihii ugu horreeyay oo si bareer ah loogu dhaawaco Muqdisho, xilli ay dowladda Soomaaliya isku dayayso inay soo celiso ammaanka guud ee magaalada Muqdisho, lana soo saaray amarro dhowr ah oo lagu sheegayo inaan la arki karin askar hub ku dhex-wadata magaalada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya