4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 4 , 2012
Sheekh Caan ah oo lagu Dilay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo

Talaado, December 04, 2012 (HOL) —Kooxo ku hubeysan baastoolado ayaa shalay gelinkii danbe toogasho ku dilay Sheekh siweyn looga yaqaanay magaalada Baardheere xilli uu kusii jeeday masaajid.

Allaha u Naxariistee marxuumka la dilay ayaa lagu magacaaba Sheekh Aadan Isaaq (Madax-madow) wuxuuna ahaa wadaad siweyn looga yaqaano magaalada Baardheere.

Goobjooge ku sugan magaalada Baardheere ayaa HOL u sheegay in marxuumka ay toogteen laba nin oo baastooladu ku hubeysan xilli uu ku sii jeedayay masaajid, wuxuuna xusay in labada nin ay goobta isaga baxsadeen kadib markii ay hubsadeen in marxuumka nafta ka baxday.

"Laba nin ayaa dishay sheekha, waxayna wateen baastoolado, dhowr xabadood ayay ku dhufteen, wayna isaga tageen meesha," ayuu yiri mid kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Baardheere oo HOL u waramay isagoo codsaday in aan magaciisa la xigan sababo dhinaca ammaanka ah.

Lama garanayo kooxaha dilka geeystay iyo weliba ujeedada ka danbeeysay dilka Sheekha, mana jiraan masuuliyiin katirsan maamulka Al-shabaab ee ka arimiyaha magaalada Baardheere oo ka hadlay arintaasi.

Marxuum Sheekh Aadan Isaaq (Madax-madow) ayaa ahaa sheekh caan ka ah magaalada Baardheere, waxaana dilkiisa aad uga xumaaday shacabka ku dhaqan magaalada Baardheeree. Sidoo kale dad reer Baardheere ayaa maanta siweyn u hadal haya sababta loo dilay Sheekha iyo weliba  cidda ka danbeeysay dilkiisa.

............

Xasan Nuur
Hiiraan Online, Nairobi - Kenya
[email protected]