4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 4 , 2012
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo Maanta Safar ugu ambabaxay dalka Turkiga
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo afar wasiir ay ku jiraan ayaa maanta u dhoofay dalka Turkiga, waxaana wafdigan sii sagootiyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.


Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa, ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiirka maaliyadda iyo lacagta, Maxamuud Xasan Suleymaan iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

"Waxaa u aadaynaa dalka Turkiga si aan u xoojinno xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya dowladda Turkiga iyo Soomaaliya, sidoo kale madaxda Turkiga waxaan kala hadli doonnaa arrimo kale oo muhiim ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin: ammaanka dib u dhiska ciidamada, siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha," ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.

Safarka madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ay ku aadeen dalka Turkiga oo noqonaya kii ugu horreeyay oo ay dalkaas ku aadaan tan iyo markii Soomaaliya ay ka baxday KMG-nimada ayaan la ogeyn inta maalmood ee uu qaadan doono.

Madaxweyaha ayaa la sheegay inuu casuumaad ka helay dolwadda Turkiga, isagoo inta uu ku sugan yahay la kulmi doona dhiggiisa Turkiga, Cabdalla Guul, ras'iiul wasaaraha, Tayip Erdogan iyo saraakiil sarsare oo dowladda Turkiga ka tirsan.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu kulammo la yeelan doonaan inta uu dalka Turkiga ku sugan yahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, iyadoo lagu wado inuu ku boorriyo inay dalka dib ugu laabtaan ayna ka qaybqaataan dib u dhiskiisa iyo soo celinta ammaankiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan wasiirradda maanta raacay ayaa horay safarro ugu soo maray dalalka Itoobiya iyo Jabuuti oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya, iyadoo madaxweynuhuna uu horay keligiis u booqday dalka Uganda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya