4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2012
MADAXWEYNE SIILAANYO "Doorashooyinkii dalkeena ka dhacay waxay noo soo jiideen sumcad uu Caalamku noogu Hambalyeeyay"

Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa sheegay inay si xor oo xalaal ah u dhacday doorashadii golaha deegaanka ee bishii November 28 ka dhacday dalka, waxaanu tilmaamay inay sumacadii Somaliland doorashadaasi kor u qaaday.

Madaxweynuhu waxa uu ururadii hadhay u soo jeediyay inay u hoggaansamaan natiijadda doorashada isagoo ammaan u jeediyay kuwii aqbalay natiijadii Komishanku soo saaray.

Madaxweynuhu waxa uu sidaas ka sheegay mar uu xalay khudbad ka jeediyey warbaahinta dawladda, waxaaanu ka mid ahaa hadalkiisa "Doorashooyinkii dalkeena ka dhacay waxay qarankeena u soo jiideen sumcad iyo ammaan balaadhan oo bulshadda caalamku inagu hambalyaysay. Waxaanay dadweynaha reer Somaliland mar kale dunidda tuseen inay yihiin shacbi qaan-gaadh ah oo ay ka go’an tahay inay sii xoojiyaan hanaanka dimuqraadiyadda dalkeena ka hirgalay. Kaasi oo dadweynaha xaq u siinaya inay si xor ah oo xalaal ah u soo doortaan Hoggaankoodda kala duwan ee heer degmo, gobol iyo qaran."

"Walaaleyaal sida uu sharciga dalkeenu jideeyay waxa hawlaha doorashooyinka u xilsaaran Gidida doorashooyinka qaranka oo ah Gudi u madax banaan hawlaha doorashooyinka.kuwaasi oo masuul ka ha wax kasta oo ku lug leh doorashadda. Gudidaasi oo ah cida soo bandhigta kuwa guulaysta iyo cida laga guulaystaba,"ayuu yidhi madaxweynuhu mar uu iftiiminayey cida masuul ka ah arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xukuumaddiisu aanay shaqo ku lahayn qaabka ay doorashadu u dhacday, balse kaliya xukuumad ahaan masuuliyaddi ka saarantahay inay nidaamiyaan goobihii ay doorashaddu ka dhici lahayd iyo amnigay ku dhici alhayd.

"Doorashadii waxaanu u aqoonsan nahay inay u dhacday si xor ah oo xalaal ah, waxaana la mariyay dhammaan nidaamkii sharci ee dalka u yaalay. Dhammaanba degmooyinka dalka wixii ka soo baxay ee lagu dhawaaqay, maxkamaduhuna ansixiyeen ayaa sharci ah. Loona aqoonsanayaa Xildhibaano qaran,"ayuu yidhi Madaxweynuhu mar uu ka hadlayey sida uu u arko inay doorashadii u dhacday, waxaanu sheegay in saddexdii xisbi ee lagu dhawaaqay ay noqonayaan xisbiyada qaran ee jira.

Madaxweynuhu waxa uu hamablyo u diray xildhibaanadii guulaystay oo uu ugu baaqay inay balantoodii ay ummadda u qaadeen wakhtigii ololaha ay kaga dhabeeyaan xildhibaanaddii soo baxay.

Mar kale isagoo la hadlaya ururadii hadhay waxa uu yidhi "Murashaxiintii iyo ururaddii aan ku guulaysan doorashadda ayaan u rajaynayaa inay noqdaan qaar u hoggaansama Natiijadda doorashadda, cidii dood ka qabtayna waxay ahayd inay u raacaan dariiqa sharcigu jideeyay in loo maro.waxaan bogaadinayaa ururadda aan ku guulaysan doorashada ee u hoggaansamay natiijada".

Madaxweynuhu waxa uu caalamka ugu baaqay inay somaliland ictiraafaan, maadaama kaalin muuqata ugu fadhido geeska afrika iyo aduunkaba, isla markaana horumarka balaadhan ee dimuqraadiyada ka gaadheen ay mudan yihin in lagu tixgaliyo,

Sidoo kale, waxa uu shacabka ku booriyey inay nabdgalyada ilaashadaan, isagoo usoo jeediyey inay dhinac uga soo wada jeestaan wax kasta oo kala dhantaalaya midnimada iyo horumarka dalka.

Waa markii ugu horaysay ee madaxweynuhu si toos ah uga hadlo doorashooyinki dalka dhacay iyo sida uu arko inay u dhaceen, iyagoo siyaasiyiin badani doorashadaasi ku tilmaameen mid musuqmasuq badani hadheeyey.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland