3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2012
Ahlusunna oo shaacisay inay ciidamadeeda geilysay heegan buuxa baaqna u dirtay Dowladda Soomaaliya
Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen shir muddo toddobaad ah uga socday magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud waxay ku sheegeen in heegan buuxa la geliyay ciidamadooda, isla markaana la siinayo tababrro ay uga mid noqdaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka golaha fulinta ee Ahlusunna, Sheekh Axmed Cabdullaahi Ilka-case oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay sidoo kale dhameystirayaan maamullada deegaannada ay Ahlusunna ka kaga sugan tahay gobolka Galguduud.

Qodobbadii kasoo baxay war-murtiyeedka ururka Ahlusunna oo saxaafadda uu u akhriyay Sheekh Axmed Ilka-case ayaa waxay kala ahaayeen:

    In heegan buuxa la geliyo ciidamada Ahlusunna ee gobollada dhexe.
    In ciidamada loo dhiso noocyada kala duwan ee ciidamada sida: booliis, milateri, nabadsugid iyo asluub.
    In la dhameystiro maamullada deegaannada ay ka arrimiso Ahlusunna ee gobollada dhexe.
    In loo diyaar-garoobo dhismaha maamul gobolkeedka gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta Ahlusunna ayaa waxay baaq u direen dowladda Soomaaliya, iyagoo ka dalbaday inay wafdi heer sare ah u soo dirto gobollada dhexe si ay ugu kuurgalaan xaaladda ammaan ee gobollada.

Sheekh Axmed Ilka-case ayaa wuxuu ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab inay maalin walba ku dilaan gobollada qiyaastii 10-qof oo ay qoorta ka jaraan, inkastoo Al-shabaab aysan hadalkaas wax jawaab ah ka bixin.

Ugu dambeyn, mas’uulka u hadlay Ahlusunna Waljamaaca ayaa wuxuu ugu baaqay dalalka deeqaha bixiya inay gargaar u fidiyaan dadka dhibaatadu ku hayso gobollada dhexe, wuxuuna sidoo kale beelaha k dagaalamaya gobolka ugu baaqay inay colaadaha dhexdooda ah joojiyaan nabaddana adkeeyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
12/31/2012 7:46 AM EST
Isniin, December 31, 2012 (HOL) —Xaalad kacsanaan ah ayaa laga soo sheegayaa magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo ay gacanta ku hayaan xoogagga Xarakada Al-shabaab.

12/31/2012 7:39 AM EST
Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa sheegay inay si xor oo xalaal ah u dhacday doorashadii golaha deegaanka ee bishii November 28 ka dhacday dalka, waxaanu tilmaamay inay sumacadii Somaliland doorashadaasi kor u qaaday.

12/31/2012 7:35 AM EST
Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku geeriyooday, ilaa saddex kalana way ku dhaawacmeyn Mudaharaad balaadhan oo shalay ilaa xalay fiidkii ka socday magaaladda Boorame, kaas oo lagaga soo horjeeday farogelin ay sheegeen inay xukuumaddu ku hayso doorashadda golaha deegaanka ee degmadda Saylac.

12/31/2012 6:26 AM EST
Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Xoghayaha arimaha dibadda dalka Mareykanka Hillary Clinton ayaa la dhigay isbital ku yaal magaalada New-york ee dalka Mareykanka kadib markii la ogaaday in dhiig xijiro ah uu u fariistay madaxa.

12/31/2012 4:42 AM EST
Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya oo ku dhow xuduudda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka dillaacay cudur halis ah oo wata qandho daran, iyadoo saraakiisha caafimaadka ay dagaal kula jiraan sidii cudurkaas ay u xakameyn lahaayeen.

12/31/2012 4:30 AM EST
Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo bishan looga qabsaday dagaal la'aan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegay inay wadaan qorsheyaal ay ku weerarayaan degmooyinka gobolkaas ee ka maqan gacantooda, iyagoo sheegay in gobolka uu galay xaalad dagaal.

12/31/2012 1:42 AM EST
Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weydiistay xukuumadda Soomaaliya inay soo gudbiso tirada ciidamada dowladda iyo shaqaalaha rayidka ah ee mushaarka la siiyo, iyadoo dalabkan uu imaanayo xili mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ay shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda ay xukuumadda Soomaaliya ku shaqeynasyso sannadka soo socda 2013.