4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2012
Xildhibaannada Baarlamaanka oo ansixiyay Miisaaniyadda ay Xukuumaddu ku shaqeynayso sannadka soo socda ee 2013
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Xidlhibannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyadda ay xukuumaddu ku shaqeyn doonto sannadka soo socda ee 2013, kaddib markii wax ka bedel lagu soo sameeyay qodobbadii ay mudanayaashu doodda adag ka yeesheen kuna diideen isla todobaadkan miisaaniyada.

Wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleymaan oo shirkii lagu ansixiyay ka qayb-galay ayaa sharraxaad ka bixiyay qodobbada ay xildhibaannadu horay uga doodeen isagoo sheegay in dhaqaalihii ku baxayay xafiisyada madaxda dowladda la dhimay, sidoo kalena la kordhiyay dhaqaalaha ciidamada ay mushaar ahaan iyo gunno ahaan u helayaan.

Mudane Suleymaan wuxuu sheegay in qoondooyinka ciidamadu lagu kordhiyay lacag ka badan tahay 11 milyan oo doollarka Mareykanka ah, sidoo kalena horumarinta adeegyada bulshada ayuu sheegay inay ku kordhiyeen lacag ka badan 31 milyan oo doollar.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in qorshayaasha u degsan uu yahay inay jaan-gooyaan canshuuraha laga qaadayo alaabooyinka dalka soo galaya, isagoo xusay in jaangoyntan ay saameynayso guud ahaan dekedaha iyo garoomada dalka ee ay wax kasoo dagaan waxna ka dhoofaan.

"Waxaan rajo weyn ka qabaan in lixda bilood ee sannadka soo socda ugu horreysa uu dhici doono isbedel weyn oo dhinaca daqliga ah," ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in la canshuuri lagu saleyn doono sharciyada dalka.

Intaas kaddib ayaa waxaa cod gacn-taag ah loo qaaday miisaaniyadda dalka oo ay mudanayaal ka tirsan baarlamaanku ka hadleen, iyadoo inta badan mudanayaashii kulanka soo xaadiray ay ogolaadeen miisaaniyadda wax ka bedelka lagu soo sameeyay.

"Xidlhibaannadii kulanka soo xaadiray oo tiradoodu ahayd 177 waxaa miisaaniyadda ogolaatay 176 mudane, cid diidday ma jiro, hal mudanena wuu ka aamusay," ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka shir-guddoominayay.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ansixinta miisaaniyadad ay u cuskadeen qodobka 69-aad ee dastuurka dalka, isagoo intaas ku daray in miisaaniyaddu ay tahay mid ansax ah oo ay xukuumadda Soomaaliya ku howlgeli karto.

Ansixinta miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeynayso sannadka soo socda ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo shalay xildhibaannada baarlamaanku ansixiyeen wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaasha xukuumadda Soomaaliya, kuwaasoo uu ra'iisul wasaaruhu soo magacaabay ansixintii golaha wasiirrada kaddib.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya