4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2012
Golaha Wasiiradda oo Ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2013

Isniin, December 03, 2012 (HOL) —Kulan ay maanta isugu yimaadeen golaha wasiiradda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayay uga doodeen arimo dhowr ah, iyagoona cod aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyadda xukuumadda ee sanadka 2013.

Kulanka golaha wasiirada ayay uga doodayeen arimo ay kamid yihiin ammaanka, miisaaniyadda sanadka 2013 iyo hantida safaaradaha Soomaaliya ee ku yaal dalalka Talyaaniga iyo Mareykanka.

Wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Mudane Max’uud Xasan Suleymaan ayaa golaha u aqriyay miisaaniyadda sanadda 2013, waxaana miisaaniyadda uu wasiirku u gudbiyay golaha ay ahayd mid ka badan tan sanadkan aynu ku jirno ee 2012, waxaana wasiirku uu sheegay in miisaaniyadda uu soo gudbiyay 75% ay ka iman doonto dakhliga kasoo xaroodo dalka.

Dood dheer iyo falanqeyn kadib ayay golaha wasiiradu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda sanadka 2013, waxaana la filayaa in dhawaan la horgeeyo baarlamanka Soomaaliya.

Golaha wasiiradda ayaa dhanka kale isku raacay in aan la ogolaan doonin in dekedda Muqdisho lagu qaado lacag aan ahayn tan canshuurta dowladda dhexe.

Kulanka golaha wasiiradda oo ay maanta uga hadleen arimo badan ayaa waxa sidoo kale lagu soo qaaday sidii laga yeeli lahaa hantida ma guurtada ah ee safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalalka Mareykanka iyo Italy, oo maalmihii u danbeeyay ay soo ifbaxayeen warar sheegaya in laga kireeyay shirkado ajaanib ah, waxaana golaha wasiirada ay iska soo xuleen guddi kasoo baaran dega arintaasi oo ay hogaamin doonto ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arimaha dibeddda marwo Fowziya Xaaji Aadan.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo kulanka marka uu soo dhamaaday kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in siyaasadda dowladda cusub ay tahay in adeegyadeeda ay gaarsiiso gobollada dalka, isagoona ammaan u jeediyay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan magaalada Kismaayo oo Shalay gacanta ku dhigay gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiya.

Sidoo kale waxa uu amaanay howlgallada ay ciidamada dowladda ka sameeyeen gobolka banaadir iyo deegaanada hoostaga, kuwaasoo ay ku qaadeen isbaarooyin dhowr ah oo u yaallay kooxo ku labisan dareeska ciidamada dowladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya