4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2012
Dowladda Nayjeeriya oo heshiis ay Qayb uga noqonayso howgalka AMISOM la saxiixatay Ururka Midowga Afirka

Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Dowladda federaalka dalka Nigeria ayaa sheegtay inay heshiis is-afgarad ah oo ay qayb uga noqonayso howl-galka AMISOM la saxiixatay ururka Midowga Afrika, iyadoo Nayjeeriya ay sheegtay in 140 askari oo booliis ah kaga sugan yihiin Muqdisho.

Taliyaha guud ee ciiidamada booliiska nabad ilaalinta ee Nigeria, Kayoda Aderanti ayaa sheegay in heshiiskan uu albaabbada u furayo in booliiska dalkooda ay qayb ka noqonayaan howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

“Heshiiskan waxaa dhankeenna u saxiixay ergayga joogtada ah ee Nigeria u fadhiya Midowga Afrika, Bulus Lolo. Ururka Midowga Afrika waxaa iyagana dhankooda u saxiixay danjire Ramtane Lamamra,” ayuu yiri Aderanti oo la hadlay warbaahinta dalka Nigeria.

Sidoo kale, Kayoda Aderanti wuxuu sheegay in Soomaaliya oo ay horay u joogeen saraakiil yar oo ka socda dalka Nigeria ayna hadda geynayaan 140 sarkaal oo dheeri ah, si ay tababarro u siiyaan booliiska Soomaaliya ayna qayb uga noqdaan qorshaha nabadda Soomaaliya lagu soo celinayo.

Ururka Midowga Afrika ayaa sannadkii hore soo saaray go’aan cusub oo ah in la sameeyo ciidammo booliis ah oo qayb ka noqda howgallada nabad ilaalineed ee Midowga Afrika, waxaana ciidamadan lagu billaabay dalka Soomaaliya.

Booliiska AMISOM ee ka howlgalaya Soomaaliya ayaa waxay ka kala socdaan dalalka Uganda, Nigeria iyo Sierra Leone, waxayna ciidamadann dhawaan ka billaabeen Muqdisho howgallo lagu qabqabanaya kooxaha hubeysan ee falalka nabad-galyo xumada ah kawada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya