4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 28, 2012
Iska-horimaad Ciidamada dowladda iyo Xarrakada Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Qasax-dheere ee Gobolka Bay

Jimco, December 28, 2012 (HOL) — Iska-horimaad u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay oo ka mid ah goobaha ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa caawinaya ee Itoobiya.

 

Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Qansax-dheere ayaa xaqiijiyay in weerar ay kusoo qaadeen degmadaas xoogag taabacsan Al-shabaab, wuxuuna xusay inay iska difaaceen weerarkaas ayna kooxihii hubeysnaa dib ugu laabteen goobihii ay ka yimaadeen.

 

“Xalay degmada waxaa ka dhacay dagaal culus oo muddo socday, mana jiraan wax khasaare ah oo aan aragnay markii uu saakay waagu baryay,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Qansax-dheere oo magaciisa ku soo koobay Nuur.

 

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa iyaguna sheegay inay xalay weerar ku qaadeen degmada Qansax-dheere, balse ma aysan sheegin khasaare loogu geystay weerarka iyo mid ay iyagu geysteen.

 

Lama oga khasaaraha ka dhashay iskahorimaadkii xalay ku dhexmaray degmada Qansax-dheere ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab, waxaana dagaalkan uu imaanayaa xilli ay shalay ciidamada dowladdu la wareegeen deeggaanka Ow-diinle oo ka tirsan gobolka Bay.

 

Gobolka Bay oo ku yaalla dhinaca Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada uu loolanka xooggan ku dhexmarayay ciidamada dowladda kuwa caawinaya ee Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya