4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 28, 2012
Booliiska Wadanka Koonfur Afrika oo go’aan adag ka qaadanaya cunista iyo ka ganacsiga Qaadka ama Jaadka

Jimco, December 28, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa g go’aan adag ka qaatay ka ganacsiga iyo cunista jaadka ama qaadka, kaas oo mamnuuc ka ah dalka Koonfur Afrika iyadoo qofkii lagu qabto isagoo ka ganacsanaya ama cunaya uu muteysanayo xarig.

 

Toddobaad walba ayay booliiska Koonfur Afrika waxay weeraraan dhowr jeer goobaha ay ku tuhmaan in in lagu iibiyo qaadka; waxayna xabsiga u taxaabaan qofkii ay ku goobaha lagu iibiyo jaadka, inkastoo aysan weli ku guuleysan inay xakameeyaan ka ganacsiga iyo cunista jaadka.

 

Saraakiil u hadlay booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay inay go’aan adag ka qaadan doonaan isticmaalka qaadka isla markaana ay ciqaab adag ku soo rogi doonaan milkiileyaasha iska leh goobaha lagu iibiyo, kuwa lagu cuno iyo gaadiidka lagu qaado qaadka.

 

Illaa iyo hadda ma jiro qodob dastuuri ah oo lagu qaado dadka ku lugta leh ka ganacsiga qaadka, sababta oo ah qaar ka mid ah noocyada qaadka ayaa wuxuu ka baxaa beero ku yaalla gudaha dalka Koofur Afrika oo ay leeyihiin muwaadiniin dalkaas u dhashay oo aaminsan in qaadku ka mid yahay geedo ka baxa beerahooda oo ay dhawaantan ogaadeen inay ku ogaadeen innuu geedkan jaad yahay, kaddib markii dad Soomaalida iyo Itoobiyaanku  ahi ay ka iibsadaan.

 

Hase ahaatee booliska ayaa sheegay inuu qaadku la mid yahay maan-dooriyaha xashiiska iyo daroogada ee laga isticmaalo dalkan halisna ku ah caafimaadka dadka iyo waliba inuu qaadku keeno amaan-darro iyo buuq laga dareemo goobaha lagu iibiyo iyo meelaha ay dadka cunaahi isugu yimaadaan, oo mararka qaar ay dhacdo inay is dilaan ama dhibaatooyin kale isku geystaan.

 

Soomaali badan oo ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa cuna qaadka iyadoo booliiska la wareegaan qaadka ayna gubaan, waxayna sidoo kale xiraan dadka ay ku qabtaan, haddana wali wey socdaan howlihii qaadku, taasoo keentay in ciidamada ammaanku ay ka fariistaan sidii go'aan adag oo dastuuri ah looga soo saari lahaa qaadka.

Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, Koonfur Afrika