4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 27, 2012
Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo Maalintii labaad Muqdisho ka sameeyay howgallo lagu qabqabtay kooxo hubeysan
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa maalintii labaad maanta howgallo lagu qabqabanayay kooxaha hubeysan ee dhibaatooyinka ka geysta caasimada ka fuliyay Muqdisho.

Howgallada maanta ayaa laga fuliyay degmooyinka Dayniile, Dharkeynley, Hodan iyo Wadajir waxaana taliyaha hay'adda nabadsugidda gobolka Banaadir uu sheegay in howgalladii maanta ay ku qabteen 11 ruux oo isugu jiray kuwo hubeysan iyo kuwo kale oo caawiyeyaal u ahaa.

"Maanta waxaa howgallo laga sameeyay afar degmo oo gobolka Banaadir ku yaalla kuwaasoo lagu qabqabtay kooxo hubeysan oo dhibaatooyinka ku hayay shacabka ku nool degmooyinkaas," ayuu yiri taliyaha nabadsugiddga gobolka Banaadir, Col. Khaliif Axmed Ereg oo howgalka kaddib la hadlay saxaafadda.

Taliyuhu wuxuu sheegay in howgalkan uu qayb ka yahay howlgal ay xukuuumaddu amar ku bixisay oo socon doona maalin iyo habeen, kaasoo lagu adkeynayo amniga guud ee maagalada Muqdisho," ayuu yiri Col. Ereg oo intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ka go'an tahay in ammaanka magaalada Muqdihso la adkeeyo.

Howgalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xalay ay ciidamada dowladdu howgallo ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaasoo lagu soo qabqabtay 15 ruux oo isugu jiray burcad iyo kooxo hubeysan oo watay gawaari hubeysan.

Booliiska AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale howlgallo ay ka sameeyeen shalay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir waxay qabqabteen 18 ruux oo isugu jiray kooxo isbaarooyin ay u yaalleen iyo kooxo kale oo dhibaatooyin ku hayay shacabka iyo ganacsatada.

Tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay in Muqdihso laga qaado isbaarooyinka yaalla ayaa waxaa ka socday caasimadda howgallo ay sameynayeen ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo booliiska AMISOM, kuwaasoo lagu xaqiijiayo in la qaaday isbaarooyinka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya