4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 27, 2012
Madaxweynihii hore ee dalka Koonfurta Afrika Nelson Mandela oo laga saaray Isbitaal looga daweynayay Xanuun
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela ayaa laga saaray xalay isbitaal ku yaalla magaalada Pretoria oo looga daweynayay xanuun kaga dhacay sambabada loogana saaray dhagaxaan kilyaha kaga jiray, isagoo la geeyay gurigiisa si uu ugu nasto.

Mandela oo 94-jir ah ayaa la dhigay isbitaalka sideedii bishan waxaana war kasoo baxay xarunta madaxtooyada Koonfur Afirka lagu sheegay in lagu xannaaneynayo gurigiisa inta uu caafimaadkiisu kasoo hagaagayo.

"Waxaan uga mahadcelinaynaa shacabka iyo warbaahinta dareenkii ay ka muujiyeen xaaladda Mandela. Waxaana ka rajeynaynaa in dareenkoodu uu noqdo mid sii socda inta uu caafimaad taam ah ka helayo," ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Koonfur Afrika, Mac Maharaj.

Mandela iyo qosykiisa ayaa ku jiray xilligii ciidda masiixiga isbitaalka, iyadoo ay kula sugnaayeen halkaas madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, xaaskiisa Graca Machel iyo xubno ka tirsan qoyskiisa.

"Waxaan ka dareennay xaalad caafimaad oo wanaagsan, wuxuu ku qaylinayo erayo ay ka mid yihiin qoyskayga, wuxuu ahaa qof u dhoolla-caddeynayay dadka kusoo booqanaya isbitaalka. Dhakhtarkuna wuxuu inoo sheegay inay xaaladdiisu aad uga soo raynayso," ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo saxaafadda la hadlay.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ayaa muddo 27 sano ah ku jiray xabsi, isagoo u xirnaa inuu hormuud u ahaa ururka ANC oo u dagaalamayay muddo dheer inay ka baxdo Koonfur Afrika nidaamka midab-kala-sooca ahaa oo sanooyin badan halkaas ka jiray.

Nelson Mandela ayaa intii uu xabsiga ku jiray waxaa ku dhacay cudurka feeraha ama TB-da loo yaqaan, isagoo sidoo kalena dhowr jeer oo kale uu xanuun kaga dhacay sambabka, kaasoo laga daweeyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya