4/13/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 27, 2012
Isku-tagga Hay'adaha ka shaqeeya Howlaha Bani'aadamnimada Soomaaliya (SHOC) oo kulan ku yeeshay Muqdisho



Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Hay'adahan oo ka kooban 45 hay'adood oo maxalli ah ayaa 35 ka mid ah waxay kulan ballaaran ku yeeshay shalay oo Arbaco ahayd magaalada Muqdisho, kaasoo ay kaga hadleen arrimo quseeyay gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha daladda hay'adda ka shaqeeya howlaha bani'aadmanimo ee Soomaaliy (SHOC), C/qaadir Abuubakar Sheekh Xasan ayaa hambalyo iyo ammaan u soo jeediyay hay'adaha ka shaqeeya gargaarka, isagoo tilmaamay in intii ay jireen ay muujiyeen dadaal iyo karti dheeraad ah.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay saddex qodob oo kala ah: kaalinta ay hay'aduhu ka qaadan karaan caawinta qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya oo la sheegay in dib loogu soo celinayo gudaha dalka. Sidii la isugu xiri lahaa haya'daha howlaha samafalka ka shaqeeya iyo inay ha'yadaha ka shaqeeya gudaha la yimaadaan karti iyo wax-qabad hufan.


"Muddadii halka sano ahayd ee ay SHOC jirtay waxaa noo qabsoomay howlo dhaxal-gal ah, sida in sideed tababar oo kala duwan la siiyay hay'adaha gargaarka ka shaqeeya iyo inay ka qaybgaleen shirar caalami ah," ayuu yiri guddoomiyaha SHOC oo intaas ku daray in howshaas in howlahooda ay sii laba-laabi doonaan.

Saraakiil ka socday hay'adaha ku mideysan SHOC oo iyaguna ka hadlay howlihii la qabtay halkii sano uu isku-taggooda jiray, waxayna sheegeen inay howlo badan oo wax-ku-ool ah qabteen, ayna diyaar u yihiin inay howlahooda intan sii kordhiyaan.

Guddoomiyaha SHOC, C/qaadir Abuubakar ayaa u mahadceliyay hay'ado caalami ah oo ay ka mid yihiin SRDF, MCF iyo THF oo fadhigeedu yahay magaalada London ee xarunta Ingiriiska.
 
Dalladu waxay soo bandhigtay qorshe howleedka sannadka soo socda ee 2013, taasoo falanqeyn kaddib la isku raacay, iyadoo kulanku uu kusoo xirmay jawri farxad iyo is-afgarad uu ku dheehan yahay.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya











Click here
12/27/2012 4:02 PM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole) iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa maanta booqday qaar kamid ah jaamacadaha ku yaalla magaalada Boosaaso.

12/27/2012 3:57 PM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL)- Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ka hadlay xarigga nabadoon Yaasiin Cabdisamed oo ay dhowaan ciidamada Boolisku xabsiga u taxaabeen.

12/27/2012 12:37 PM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) —Wafdi ka socday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose, iyadoona wafdiga ay si diiran degmadaasi ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin katirsan maamulka KMG ee degmada Kismaayo.

12/27/2012 7:48 AM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa maalintii labaad maanta howgallo lagu qabqabanayay kooxaha hubeysan ee dhibaatooyinka ka geysta caasimada ka fuliyay Muqdisho.

12/27/2012 7:33 AM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Siminnaar ku saabsan sidii dhaqamada xunxun iyo colaadaha loogu bedeli lahaa dhaqanka nabadda iyo tubta toosan ayna ka qayb-qaadanayeen dhallinyaro isugu jirtay wiilal iyo gabdho ayaa lagu qabtay hoteelka Oriental ee magaalada Muqdisho.

12/27/2012 7:22 AM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela ayaa laga saaray xalay isbitaal ku yaalla magaalada Pretoria oo looga daweynayay xanuun kaga dhacay sambabada loogana saaray dhagaxaan kilyaha kaga jiray, isagoo la geeyay gurigiisa si uu ugu nasto.

12/27/2012 6:21 AM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Haweeney rayid ah ayaa ku dhaawacantay qarax xalay lala beegsaday goob lagu caweeyo oo ku taalla agagaarka saldhigga booliiska magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, iyadoo sidoo kale uu dab khasaare hantiyeed geystay uu xalay ka kacay xerada qoxootiga IFO ee dalka Kenya.

12/27/2012 2:22 AM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Saraakiisha hay'adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ka warbixinayay howgallo xalay laga sameeyay degmooyin ka tirsan Muqdisho oo lagu soo qabqabtay kooxo falal ammaan-darro ka waday degmooyinkaas iyo hub kala duwan.

12/27/2012 2:02 AM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda dowladd Soomaaliya oo heer wasiir ah ayaa saakay u ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaddib muran ku saabsan maamul u sameynta Kismaayo oo u dhexeeyay xoogagga Raaskambooni iyo dowladda Soomaaliya.

12/27/2012 1:54 AM EST
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo bishii Ogoosto ee sannadkii hore isaga baxday degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ku goodisay inay sii wadi doonto weerarrada duqeymaha ah ee ay la beegsanayso madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo ah goobta ugu weyn ee ay dowladda Soomaaliya ku shaqeyso.