4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 27, 2012
Qarax ka dhacay Magaalada Mandheera iyo dab khasaare hantiyeed geystay oo xalay ka kacay Suuqa Xerada Qoxootiga ee IFO
Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Haweeney rayid ah ayaa ku dhaawacantay qarax xalay lala beegsaday goob lagu caweeyo oo ku taalla agagaarka saldhigga booliiska magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, iyadoo sidoo kale uu dab khasaare hantiyeed geystay uu xalay ka kacay xerada qoxootiga IFO ee dalka Kenya.

Qaraxan ayaan illaa hadda la ogeyn wixii loo adeegsaday, balse baaritanano ay sameeyeen ciidamada ammaanka Kenya ayaa lagu qabqabtay dhowr qof oo looga shakiyay inay gacan ka geysteen qaraxaas oo aanay jirin cid sheegay inay mas'uul ka tahay.

"Haweeneyda ku dhaawacantay qaraxa waxay goob ganacsi ku lahayd caweynka la weeraray meel ku dhow," ayuu yiri goobjooge la hadlay saxaafadda oo ku sugan magaalad Mandheera.

Magaalada Masndheera oo ku dhow xadka ay wadagaaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo noocan oo kale ah oo geystay khasaare nafeed oo kala duwan, iyadoo xaaladda magaaladu ay maanta tahay mid deggen.

Dhanka kale, dab ka kacay xerada qoxootiga IFO oo ka mid ah xeryaha ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa baabi'iyay dukaanka ganacsi oo ku yaalla xeradaas isagoo aan geysan khasaare kale.

Goobjoogayaal ku sugan xerada ayaa sheegay in aad loola yaabay sababta dhalisay dabka gubay dukaanka oo aanay ku jirin wax koronto ah, waxaase la sheegay in loo maleynayo in dabka ka kacay dukaanka uu sababay dab looga dhex-tagay.

Xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka kacay dab khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed geystay, waxaana inta badan dabkaas uu ka kacay suuqyada waaweyn ee xeryahaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya