4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 27, 2012
Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Soomaaliya oo Maanta u dhoofay Xarunta Jubbada Hoose ee Kismaayo

Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda dowladd Soomaaliya oo heer wasiir ah ayaa saakay u ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaddib muran ku saabsan maamul u sameynta Kismaayo oo u dhexeeyay xoogagga Raaskambooni iyo dowladda Soomaaliya.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimah gudaha iyo ammaanka Qaranka ayaa waxaa ka mid ah: wasiirka gaashaandhigga, wasiirka cadaaladda iyo wasiirka boostada iyo isgaarsiinta, waxaana la sheegay in safarkooda uu yahay mid salka ku haya sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, xoogagga Raaskambooni iyo ciidamada Kenya oo qayb ka ah AMISOM.

Qorshaha wafdigan ayaa la sheegay inay qayb ka yihiin sidii ay kormeerro ugu tegi lahaayeen xeryaha ay ku jiraan ciidamada dowaldda iyo sidii loo dar-dargelin lahaa dagaallada lagula jiro Al-shabaab oo ka socda gobolka Jubbada Hoose.

Wafdigan ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu heer sarreeyay ee aada Kismaayo tan iyo markii codka kalsoonida ah la siiyay xukuumadda tirada yar, iyadoo la xusuuto in wafdi ay dowladdu u dirtay magaalada Kismaayo loo diiday inay halkaas galaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan ka sheegaey Nairobi in la dhameeyay muran u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo murankaas uu qayb ka ahaa maamul u sameynta Kismaayo oo ay dowladda Kenya lug weyn ku lahayd.

Wixii warar ah ee kusoo kordha socdaalka wafdigan heerka wasiir ah ee socdaalka ugu ambabaxay Kismaayo waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Wixii warar dheeraad ah oo ku saabsan wafdiga wasiirada ah ee ku sii wajahan Kismaayo halkan ayaad kala socondoontaan Inshaa’allaah

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya