4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2012
Warbixin ku saabsan Tirada Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Sannadkan 2012 lagu dilay dalka Koonfur Afrika
Arbaco, December 26, 2012 (HOL) — Sannadkan dhammaadka ah ee 2012 ayaa la sheegay in dalka Koonfur Afrika lagu dilay tiradii ugu badnayd oo Soomaali ah, kuwaasoo qaarkood lagu dhex-dilay goobahooda ganacsiga oo ku yaalla meelo ka baxsan magaalooyinka waaweyn.

Haddaba halkaan ka akhriso magacayada qaar ka mid ah muwaadintiinsa Somalida ah ee lagu dilay dalka Koonfur Afrika.

21-kii Jannaayo,
ganacsade Soomaali ah oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed waxaa lagu toogtay dukaankiisa oo ku yaalla duleedka magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

27-kii Jannaayo, magaalada Cape Town waxaa lagu lagu dilay Lagu dilay marxuum Axmed Xuseen oo ahaa ganacsade Soomaaliyeed.

07-dii Feberaayo,
rag hubeysan ayaa dilay marxuum Farxaan oo deggenaa deegaan lagu magacaabo Khaalija ka tirsan magaalada Cape Town waxaana isla goobtaas lagu dhaawacay sadax wiil oo la joogay.

15-kii Maarso,
ayaa waxaa la dilay laba wiil oo Soomaali ah oo isla dhashay, kaddib markii lagu gubay goobtooda ganacsi oo ku taalla tuulada Paarl ee magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

12-kii Abriil,
ayaa waxaa ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magaaabi jiray Salaad Xuseen Ganey lagu dilay deegaanka West Bank oo ka tirsan magaalada Cape Town.

18-kii Juun, waxaa la dilay ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Jiin Gudbaaye xili uu ku sugnaa dukaankiisa oo ku yaalla tuulada Phillipi ee duleedka magaalada Cape Town.

19-kii Juun, waxaa lagu dilay dalka Koonfur Afrika shan muwaadin oo Soomaali ah waxaa kaloo la jir-dilay tiro kale oo aad u fara badan.

21-kii Juun,
muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Xersi C/llaahi ayaa lagu dilay deegaanka Malmesbury ee Magaalada Cape Town, iyadoo ay dilkiisa geysteen seddex nin oo madow ah oo u dhashay dalkaasi Koonfur Afrika.

05-tii Luuliyo,
magaalada Cape Town gaar ahaan deegaanka Yanga ayaa waxaa xilli habeen ah lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray, Axmed Coley isla habeenkaas waxaa sidoo kale la dilay wiil Soomaaliyeed oo dhallinyaro ah.

13-kii Luuliyo,
waxaa magaalada Cape Town lagu dilay hal qof halka laba qofna lagu dhaawacay isla falkaas kaddib markii ay kooxo hubeysan ay ku weerareen goobahooda ganacsi.

19-kii Ogoosto, Burcad hubeysan ayaa ku dilay magaalada Cape Town marxuum Daahir Macallin Xaashi oo ku sugnaa dukaankiisa ganacsi.

17-kii September,
waxaa magaalada Port Elezaberth ka dhacday dhacdo naxdin leh oo lagu dilay gabar yar oo Soomaaliyeed oo lahayd uur sagaal bilood ah iyadoo la kufsaday ka hor intii aan ceeji lagu dilin, waxaana dilkeed warbaahinta u xaqiijiyay saygii gabadha la dilay oo lagu magacaabo Yusuf.

25-kii September,
Dhallinyaro Soomaaliyeed oo laba ahaa ayaa lagu dilay deegaanka Filip oo ka tirsan magaalada Cape Town kaddib markii lagu weeraray goobtoodii ganacsiga.

09-kii Oktoobar,
burcad Koofur Afrikaan ah ayaa ku dilay ganacasade Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Ciise xaafadda Khaalija ee magaalada Cap Town, kaddib markii lagu weeraray dukaan uu ka shaqeynayay. Isla 09-kii Oktoobar, kooxo hubeysan ayaa magaalada Port Elizepethku toogtay Allaha u naxariistee muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magcaabi jiray, Rooble Faarax xili uu ku suganaa afaafka hore ee goobtiisa ganacsi.

11-kii Oktoobar, waxaa deegaanka isku-raranta ah ee dalka Koonfur Afrika lagu dilay Liibaan oo ahaa gancsade Soomaaliyeed, waxaana dilkiisa loo adeegsaday tooreey ama billaawe iyadoo qoorta laga gooyay, waxaana falkan uu dhacay xilli habeen ah.

12-kii Oktoobar,
burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa ku dilay tuulada Khaliija ee duleedka magaalada Cape Town ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Canshuur kaddib markii ay ka waayeen lacago ay rabeen inay ka dhacaan dukaaniisa.

20-kii Oktoobar,
waxaa deegaanka King Wilmes lagu dilay loogu geystay ganacsade Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Bile, kaasoo ay dilkiisa loo adeegsaday tooreey ama billaawe.

08 November,
magaalada Cape Town waxaa lagu dilay laba ganacsato Soomaali ah oo lagu kala magacaabi jiray, Bashiir Sheekh Suufi iyo Cabdi Tifow waxaana lagu diay tuulada Valhalaburg.

22-kii November, kooxo hubeysan ayaa duleedka magaalada Cape Town ku toogtay muwaadin Soomaaliyeed kaasoo magaciisda lagu soo koobay Bashiir.

07-dii Diseember,
xarunta dalka Koonfur Afrika ee Preoria waxaa si arxan-darro ah loogu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray, Cali Jano-gale iyadoo dilkiisa loo adeegsaday dhalooyinka la jajabiyay.

14-kii Dismeember, koox burcad Koonfur afrikaan ah ayaa muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray, Cabdi Xasan Geeddi ku dilay deegaanka Filiibi oo ku yaalla duleedka magaalada Cape Town; iyadoo xilliga dilka uu dhacayay uu marxuumku watay gaari yar iyadoo ay kooxaha dilay ku fureen rasaas.

20-kii Diseember, koox madow Koofur Afrikaan ah ayaa xilli fiid ah deegaanka Khaliija ku dilay muwadin Soomaaliyeed oo lagu magaacabi jiray Cusmaan shamuuq.

Dhanka kale, waxaa jiray dukaamo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo kooxo burcad ah ay u geysteen boob, kuwaasoo ku yaalla tuulooyin ka durugsan goobaha magaalooyinka ah ee waaweyn.

Waxaa soo diray: Cumar Kiyoow,
Cape Town, Koofur Afrika