4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2012
Dowladda Mareykanka oo Tababarro siinaysa Ciidamada Kenya ee Qaybta ka ah Howgalka AMISOM ee Soomaaliya
Talaado, December 25, 2012 (HOL) — Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa shaacisay inay sannadka soo socda ee 2013 ay tababarro siinayso ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

War kasoo baxay wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pentagon ayaa lagu sheegay in dalka Kenya la geynayo 200 askari oo Mareykanka ah, kuwaasoo tababarro aad u heer sarreeya siin doona ciidamada Kenya ee dalka Soomaaliya kula dagaalamaya Al-shabaab.

"Tababarradu waxay noqon doonaan kuwo la xiriira habka loola dagaalamo kooxaha argagaxisada ah, waayo waxaa la diyaariyay qorshe cusub oo lagula dagalaamayo Al-shabaab," ayuu yiri taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugan ee loo yaqaan AFRICOM, Jen. Carter Ham.

Jen. Carter Ham ayaa intaas ku daray in qorshahan loogu talogalay in ciidamada 35 dal oo Afrika ku yaalla la siiyo tababar ku aaddan la dagaalanka argagaxisada, wuxuuna sheegay in Kenya ay noqotay dalka ugu horreeya ee ciidamadiisa ay siin doonaan tababarka.

Kumannaan askarta Kenya ah ayaa waxay qayb ka yihiin howgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya, kaasoo lagula dagaalamayo Al-shabaab laguna doonayo in lagu soo celiyo ammaanka iyo kala dambeynta Soomaaliya.

Dalka Mareykanka ayaa wuxuu udub-dhexaad u yahay dalalka taageera howlgallada ay ciidamada Midawga Afrika ka wadaan gudaha Soomaaliya iyo qaybo kale oo ka tirsan Qaaradda Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya