4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2012
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo isaga baxay deegaanka Buulo-Guduud ee Gobolka Jubbada Hoose
Talaado, December 25, 2012 (HOL) — Ciidamada Soomaaliya, kuwa Raaskabooni iyo ciidamada Kenya ayaa maanta isaga baxay deegaanka Buulo-guduud ee gobolka Jubbada Hoose oo maalin ka hor ay kala waregeen Al-shabaab, iyado saraakiisha u hadashay dowladda ay ka bixitaankaas ku sheegeen xeelad dagaal.

Xoogaggii Al-shabaab ee isaga baxay ayaa la sheegay inay dib ugu laabteen Buulo-guduud oo 30-km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

"Deegaanka Buulo-guduud waxaa looga baxay xeelad dagaal, waana mid ay isku af-garteen saraakiisha dowladda iyo kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM," ayuu yiri Col. Cabdi Madoobe oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Jubbooyinka.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ka bixitaankooda deegaankaas aanu ku iman dagaallo ka dhacay shalay halkaas, isagoo sheegay in xoogaggii Al-shabaab ee soo weeraray ay kaga dileen dagaalkaas ciidammo fara badan.

"Qorshaheennu waa inaan maalmaha soo socda gaarno deegaanno ay ka mid tahay degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, dib u gurashada aan sameynayna waa mid xeelad dagaal ah mana doonayo inaan faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo," ayuu Col. Madoobe hadalkiisa ku daray.

Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya iyo xoogagga Raaskambooni ayaa la wareegay maalin ka hor deegaanka Buulo-guduud kaddib markii ay Al-shabaab isaga baxday, mana jiro faahfaahin intaas ka baxsan oo caddeynaysa sababta ay halkaas uga baxeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya