4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2012
Roobab Dabeylo wata oo ka da'aya Deegaanno Puntland ka tirsan iyo Doon Ganacsi oo ku degtay Xeebaha Gobolka Bari
Talaado, December 25, 2012 (HOL) — Roobab dabeylo wata ayaa tan iyo xalay ksa da'ayay xeebaha Puntland, gaar ahaan deegaanka Bandar-bayla ee goboka Bari iyo deegaanka Eyl ee gobolka Nugaal, iyadoo dooni u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed oo ku socotay Muqdisho ay saakay ku dagtay xeebaha gobolka Bari.

Goobjoogayaal ku sugan degmooyinkan ay dabeyluhu ku dhufteen ayaa sheegay in khasaare nafeed oo ay geysteen aysan jirin, waxaase ay sheegeen inuu jiro qof ku dhaawacmay degmada Eyl, kaddib markii ay dabeyluhu tuureen.

"Dabeylo roobab wata ayaa ka da'ay deegaanno ay ku yaalla Puntland oo ay ka mid yihiin Bandar-bayla iyo Baargaal, waxaana saakay ku dagtay meel ku dhow Bandar-beyla dooni u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed oo laga leeyahay dalka Bakistaan, kana timid Dubai oo ku socotay Muqdisho," ayuu wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland, Inj. Maxamed Faarax Aadan ku sheegay shir jaraa'id oo uu saxaafadda ugu qabtay magaalaa Boosaaso.

Wasiirku wuxuu sheegay in roobabku aysan geysan kahsaare nafeed balse ay yihiin kuwo xooggan, isagoo sidoo kale ugu baaqay dadka ku nool xeebaha Puntland inay feejinaan dheeraad ah sameeyaan caawa iyo berri oo laga yaabo inay duufaantu sii socoto.

Dabeylahan roobabka wata oo lagu magacaabo tropical cyclone (4) ayaa waxaa ka digay hay'ad saadaalisa cilimada oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, iyadoo ay wararka qaarkood sheegayaan in duufaantan laga yaabo inay ku baahdo xeebaha Soomaaliya oo dhan.

"Xeebaha gobolka Bari intooda badan dadkii ku noolaa way isaga carareen si ay uga badbaadaan duufaanta, waayo waxay xusuustaan bad-gariirkii Tsunami oo dhibaato badan ka geysatay deegaannada ku yaalla xeebaha, gaar ahaan Puntland," ayuu yiri goobjooge ku sugan gobolka Bari.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka ku nool dhul xeebaha ah inay feejignaadaan, iyadoo la sheegayo in duufaantan ay wadato qabow aan horay loogu arag deegaannada ku yaalla xeebaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya