4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2012
Muslimiinta Kenya oo shaaciyay inay xilliga doorashada codkooda siinayaan Ra'iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga
Talaado, December 25, 2012 (HOL) — Muslimiinta dalka Kenya ayaa sheegay inay taageerayaan xilliga doorashada madaxnimo ee dalka Kenya, Raila Odinga oo uu isbahaysiga CORD u doortay inuu uga qaybgalo doorashada madaxnimo ee Kenya.

Sheekh Maxamed Cismaan Wafaa oo hoggaaminayay xubnaha muslimiinta ah ee la kulmay Odinga ayaa sheegay inay kala hadleen arrimo ay ka mid yihiin, ammaanka, horumarinta khayraadka dalka iyo in dastuurka dalkaas lagu dhaqmo. Isagoo intaa ku daray in ra'iisul waasaruhu uu sheeagy inuu fulinayo dhammaan qodobbadii ay ka dalbadeen.

"Waxaanu guryaha muslimiinta Kenya u tagaynaa mid-mid, innagoo ka dalbanayna inay si buuxda u taageeraan Odinga," ayuu yiri Sheekh Warfaa oo intaas ku daray: "Ra'iisul wasaaruhu wuxuu ballanqaaday haddii uu geysto inuu ku shaqeyn doono si ay ku jirto cadaalad iyo sinnaan.

Odinga ayaa u ballanqaaday muslimiinta in xukuumaddiisu ay horumarin doonto deegaannada ay muslimiinta Kenya ku nool yihiin, sida Mandheera, Gaarisa, Tana-River, Mombasa iyo deegaannada kale, sidoo kalena wuxuu ballanqaaday inay ku noolaan doonaan nabadgalyo buuxda.

"Waxaan ballanqaadayaa inaan horumarin doono kaabayaasha dhaqaale ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, aana u horseedi doono inuu noqdo gobol uu ka jiro ganacsi xoog leh, isla markaana laga heli karo fursado horumarineed oo kale," ayuu Odinga u sheegay muslimiintii uu la kulmay.

Kulankan dhexmaray muslimiinta Kenya iyo Raila Odinga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa: guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya, Faarax Macallin iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada Kenya oo ay ka mid yihiin: Xasan Jaho iyo Maxamuud Cilmi.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya