4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka codsaday Soomaalida ku nool Uganda inay Dhaqaale ku taageeraan Dowladda
Talaado, December 25, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la kulmay Soomaalida ku nool dalka Uganda, isagoo ka dalbaday inay dhaqaale ku taageeraan dowladdiisa si ay dalka uga saarto xilliga adag ee uu ku jiro.


Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdu ay waddo qorshe ay amniga dib ugu soo celinayso sidoo kalena ay kula dagaalamayso musuqmaasuqa, wuxuuna ku boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed ee Uganda ku nool inay gacan ka geysataan howlaha ay dowladdu dib ugu soo celinayso ammaanka iyo dib u dhiska dalka.

"Dhaqaalihii aad horay noogu soo dirteen waa nasoo gaareen, midka aad soo diri doontaanna waxaan rajeynaynaa inuu nasoo gaaro. Waxaa jira qorshe aan ku doonayno inaan ammaanka ku adkeyno, idinka ayaana la idinka doonayaa inaad  gacan ka geysataan," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladiisu ay si adag ula dagaalami doonto musuqmaasuqa oo uu sheegay inuu ka mid yahay ceebaha ay Soomaalida leedahay, isagoo xusay in taasi ay dhiirri-gelin doonto dadka taageerada siinaya Soomaaliya.

"Dalku wuxuu u baahan yahay in nabadda la sugo si dadka doonaya inay caawiyaan Soomaalida ay fursad u helaan, sidoo kale waxaan la dagaalamaynaa musuqa oo ah dhibaato weyn oo Soomaaliya haysata," ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale, ku boorriyay dhallinyarada Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Uganda inay ku biiraan ciidamada dowladda si ay u noqdaan kuwo ka qaybqaata taariikhda la doonayo in dalka lagu samata-bixiyo, ayna ka fogaadaan in ay taageeraan kooxo iyo beelo.

"Ardayda wax-bartay ee gabdhaha iyo wiilasha leh waxaan ugu baaqaynaa inay ku biiraan ciidamada si ay qayb uga noqdaan fursadda taagan ee dalka lagu samata-bixinayo ayna qayb ka noqdaan dadka taariikhda reebaya," ayuu yiri Xasan Sheekh oo sheegay in dal aan ciidan lahayn uusan ka nabadgalayn hagar-daamooyin.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay kula kulmay Kampala dhiggiisa iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii howgallada AMISOM ay u noqon lahaayueen kuwo la dar-dar-geliyo.

Safarka madaxweyuhu uu ku tagay dalka Uganda ku wehliyana wasiirro ay ka mid yihiin, wasiiradda arrimaha dibada, wasiirka difaaca, wasiirka warfaafinta, wasiir u dowlaha madaxtooyada iyo xubno kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya