Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada oo xalay Kormeer ku maray Muqdisho
Talaado, December 25, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, taliyaha ciidanka booliiska, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye iyo taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir, Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa xalay kormeer ku maray degmooyin ku yaalla Muqdisho.
Mas'uuliyiintan ayaa ku sheegay kormeerkooda inuu qayb ka yahay qorshe lagu adkeynayo ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya, waxayna xuseen in habeen iyo maalin ay socon doonaan qorshayaasha lagu sugayo ammaanka.
"Waxaan joognaa deegaanka Tiida oo ka tirsan degmada Dayniile, waxaana halkaan kula kulannay ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda oo howshooda ku jira," ayuu yiri Jen. Maye oo intaas ku daray in howshan ay tahay mid amniga Muqdisho lagu adkeynayo.
Taliyaha ciidamada nabadsugidda gobolka Banaadir, Col. Ereg ayaa isaguna xusay in qorshahan uu yahay mid looga shaqeynayo sidii ammaanka caasimadda looga dhigi lahaa mid ka hagaagsan sidii hore, isagoo sheegay in ciidamada ammaanka dowladdu ay diyaar u yihiin inay adkeeyaan ammaanka habeen iyo maalin.
Kormeerkan ayaa noqonaya kii labaad oo ay saraakiishan ku sameeyaan Muqdisho iyadoo xalay tagay saldhigyo iyo isgoysyo ku yaalla degmooyinka C/casiis, Dayniile iyo Yaaqshiid, halkaasoo ay kula kulmeen ciidammo sugaya ammaanka.
"Howshan waa mid socon doonta habeen iyo maalin, waana mid ay ciidamadu ku sugayaan ammaanka caasimadda, iyadoo roondooyinku ay socon doonaan habeen iyo maalin," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, C/kariin Guuleed oo shir jaraa'id ku qabtay isgoyska ex-koontarool Balcad.
Kormeerrada ay sameynayaan saraakiisha dowladda ayaa wuxuu kusoo beegmayaa dhowr habeen kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay xilli saq dhexe ah ay madaafiic ku weerareen xarunta madaxtooyada, kuwaasoo geystay khasaare nafeed oo kala duwan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]Muqdisho, Soomaaliya