4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2012
Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Puntland oo xalay lagu dilay bartanka Magaalada Garoowe
Isniin, December 24, 2012 (HOL) — Waxaa xalay fiidkii xarunta maamulka Puntland ee Garoowe lagu toogtey sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska, laguna magacaabi jirey Cabdilaahi Xuseen (Gaal-dile).

Sarkaalkan oo la toogtey xilli uu kasii baxayey masjidka Al-raxma oo ku dhow Suuqa Enji, waxay dad goob joogayaal ahi sheegeen in uu dhowr xabadood madaxa kaga dhuftay nin dhalinyaro ah oo Baaskoolad ku hubeysnaa, kaasoo si dhaqso ah goobta uga baxsaday.

“Waxa uu ag taagnaa gaarigiisa, markuu damcay in uu daaqadda furto ayaa xabadda lagu dhuftay, xabaddu waxay kaga dhacday jeegada, waxayna ka baxday sujuudda, waxaa diley nin dhalinyaro ah, wuxuuna orod ku maray luuqa masaajidka” qof goob jooge ahaa ayaa sidaas warbaahinta u sheegay.

Daqiiqado kadib waxaa goobta soo gaarey ciidamada ammaanka, waxayna ka sameeyeen baaritaan muddo kooban socdey, haseyeeshee uma suurta gelin in ay cidna falkaas u qabtaan.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan Booliska Garoowe oo aan khadka Telefoonka kula xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay arintan faahfaahin ka bixiyaan, waxayse sheegeen in weli baaritaanku uu socdo.

Magaalada Garoowe waxaa sanadkan gudihiisa lagu diley dhowr mas’uul oo ka tirsanaa dowladda Puntland, waxaana kamid ahaa taliye ku-xigeenkii labaad ee Booliska Col. Cabdilaahi Saalax (Nadalo) iyo xildhibaan Cabdiqaadir Maxamuud (Shaybe).

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya