4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 23, 2012
Golaha Wasiiradda Somaliland oo ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2013 ka

Axad, December 23, 2012 (HOL) — Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa shalay ansixiyey Miisaaniyadda sanadka soo socda oo ay sheegeen inay ka badan tahay miisaaniyadii sanadkii hore.

Shirkan golaha wasiiradda waxa shirgudoominayey madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, waxaana cod loo qaaday miisaaniyadda in dib loo celiyo iyo in la ansixiyo, waxaanay wasiiraddu isku raaceen in la ansixiyo, isla markaaana loo gudbiyo golaha wakiiladda.

"Shirkan aan caadiga ahayn waxa lagu ansixiyey siyaasada Miisaaniyadda Qaranka iyo waliba Miisaaniyadda sanadka 2013-ka, taasi oo hore Madaxwaynuhu ugu saaray guddi wasiirro ah oo tallo ka keena siyaaasada iyo qaabka miisaaniyadda, kuwaasi oo keenay golaha,"ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul.

Afhayeenku isago sharaxaya faraqa u dhexeeya miisaaniyadii sanadkii hore iyo ta sanadka soo socda waxa uu yidhi "Wasiirka Maaliyadu waxa uu golaha Wasiirrada hortooda ka caddeeyay in Miisaaniyadda 2012-ka oo ahayd 106 Milyan ay sidoodii ugu soo xeroodeen, Miisaaniyadda sanadka 2013-kuna waa 125 Milyan oo dollar, waxayna Miisaaniyadii hore ka badan tahay 17%."

Afhayeenka ayaa sheegay in miisaaniyadan ay ku jiraan mashaariic farobadan oo dalka laga hirgalin doono, waxaanu sheegay in tii sanadkiii hore ee 2012 ka badan tahay 17%, halka miisaaniyadii 2010 ee xukuumaddii madaxweyne Rayaalana ka badan tahay 140%.

Miisaaniyadan ayaa loo gudbin doonnaa golaha Wakiiladda, kuwaas oo qiimeyn doono wax ka bedelna ku samayn doona ama sideedda ku ansixin doonna, isla markaana waxay wax ka waydiin doonnaan wasiirka maaliyadda qaabka uu u qorsheeyey miisaaniyadda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland