4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 23, 2012
Golaha Deegaanka ee Magaalada Hargeysa oo Maanta Doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen

Axad, December 23, 2012 (HOL) —Golaha Deegaanka ee magaalada Hargeysa oo maanta yeeshay kalfadhigoodii u horreeyay ayaa ku doortay maayarkii guddoomiyihii iyo guddoomiye ku xigeenkii Hargeysa.

Golaha deegaanka ee cusub oo saaka aroortii hore fadhi ay yesheen lagu dhaariyey, isla markaana ku doorteen Eng: Yuusuf Warsame Siciid inuu noqdo maayir, halka ku xigeenna loo doortay Cabdicasiis Maxamed (Cago weyne), waxaana fadhigaasi ka soo xaadiray 15 xildhibaan oo ka mid ah 25 xildhibaan ee goluhu ka kooban yahay, halka toban xildhibaana aanay ka soo qaybgalin shirkaasi.

Maayarkan cusub ee magaaladda Hargaysi yeelatay Eng: Yuusuf Warsame Siciid ayaa ka soo baxay xisbiga taladda haya e KULMIYE, halka ku xigeenkiisa Cabdicasiis Cago weyne ka soo baxay xisbiga UCID, manay jirin labadan masuul cidda kula tartantay xilalkan loo doortay.

Tobankii xildhibaan ee aan kal fadhigaasi golaha deegaanka yeeshaan aan ka soo qaybgalin ayaa iyaguna gaarkooda u abaabulayo inay yeeshaan shir ay ku diidayaan doorashadaasi.

Si kastaba ha ahaatee maayarkan cusub ayaa bedeli doonaa maayarkii hore oo toban sanno magaaladda ka ahaa maayir, kaas oo aan marnaba aanay bedelin golihii deegaankiisu, isagoo noqonayaa maayarka ugu mudadda dheeraa maayaridda dalka.

Sidoo kale, golaha deegaanka ee Degmadda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag oo lagu celiyey kalfadhigii ay ku dooran lahaayeen maayar iyo maayir ku xigeenk ayaa maanta mar kale dib uga qabsomay hoolka shirarka ee dawladda hoose ee magaaladasi, waxaanay dib usoo doorteen maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, halka ku xigeenna loo doortay Salaax Ismaaciil Cabaas.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland