4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 23, 2012
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Somalia oo safar shaqo ugu ambabaxay Dalalka Kenya iyo Uganda
Axad, December 23, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa maanta oo Axad safar shaqo ugu ambabaxay dalalka Kenya iyo Uganada oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya si uu ula kulmo wasiirrada difaaca dalalkaas.

C/xakiin Fiqi ayaa wuxuu maanta kula kulmi doonaa magaalada Nairobi dhiggiisa Kenya, Maxamed Yuusuf Xaaji iyagoo kawada hadli doona sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa howlgallada ay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay kawadaan Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo.

“Ujeedada ugu muhiimsan ee safarkeyga waa inaan  wasiirrada gaashaandhigga Kenya iyo Uganda kala hadlo qaabkii ay ula jaanqaadi lahaayeen isbedelka cusub ee la doonayo in laga sameeyo ammaanka Soomaaliya iyo sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen in Al-shabaab iyo Al-qaacida laga saaro guud ahaan Soomaaliya,” ayuu wasiirka gaashaandhigga ku yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa Muqdisho.

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa safarkiisa Kenya u dhoofi doona dalka Uganda si uu halkaas ugula kulmo dhiggiisa, Karisbas Kyonga wuxuuna kala hadli doonaa sidii loo kordhin lahaa loona dardar-gelin lahaa howlgalka ciidamada AMISOM iyo sidii ay isaga kaashaan lahaayeen adkeynta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Lama oga inta casho ee ay qaadan doonto booqashada wasiirka gaashaandhigga uu ku tagayo dalalka Uganda iyo Kenya, iyadoo wasiirka difaacu uu dhawaan safar uu ku tagay dalka Turkiga heshiis dhinaca milateriga ah uu kula soo galay dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya