4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2012
Ciidamada Huwanta ah oo la wareegay Deegaanka Buulo-gaduud iyo Dagaal culus oo ka socdo Jasiiradda Kudhaa

Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya ayaa si nabadgelyo ah kula wareegay deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

La-wareegidda deegaankan ayaa ka dambeeysay kaddib markii saaka aroortii ay halkaasi isaga baxeen dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana lagu soo waramayaa inuusan jirin wax iska-horimaad ah oo halkaasi ka dhacay.

Sheekh Maxamuud Khaalid oo ah taliyaha ciidamada Raaskaambooni oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanka Buulo-gaduud, wuxuuna xusay inuusan jirin wax dagaal ah oo ay kala kulmeen xoogagii Al-shabaab ee gacanta ku hayay.

“Deegaanka Buulo-gaduud waxa imika gacanta ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni, way ka baxeen kooxihii Al-shabaab, waxaana hadda kusii soconnaa goobaha kale ee ay kaga sugan yihiin gobolka,” ayuu masuulka u hadlay Raaskambooni.

Ururka Al-shabaab ayaan illaa iminka ka hadlin ka bixitaankooda deegaanka Buulo-guduud iyo la wareegista cidiamada huwanta ah ee ka kooban kuwa dowladda, raaskambooni iyo ciidamada Kenya ee qaybta ka ah ciidamad Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhinaca kale, dagaal culus ayaa lagu soo waramayaa inuu imika ka soconayo deegaanka Kudhaa, kaasoo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo iskaashanaya iyo Xoogagga Al-shabaab.

Ciidamada huwanta ah ayaa dagaalka ku qaaday deegaanka Kudhaa halkaasoo ay habeen hore dib ugu soo laabteen xoogagga Al-shabaab kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ee dhawaan la wareegay.

Goobjooge ku sugan deegaanka Kudhaa ayaa HOL u sheegay in dagaalku yahay mid xooggan islamarkaasina ay ka qeybqaadanayaan diyaarado dagaal, wuxuuna xusay in inta badan dadkii ku dhaqnaa Jaziiraddaasi ay bilaabeen barakac.

Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya ayaa mudooyinkii u danbeeyay ka waday gobollada Jubooyinka howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan qeybaha ay xoogagga Al-shabaab uga suganyihiin gobolka Jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya