4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2012
Maamulka Degmada Baladweyne oo sheegay inay qabteen Qof bambaano ku weeraray Ciidamada Maamulka Gobolka
Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Baladweyne  ee maamulka gobolka Hiiraan Max’ed Macalin Qalaafoow ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen eedeysane sida uu sheegay Bam kuwa gacanta lagu tuuro ah ku weeraray maalintii shalay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobollka Hiiraan oo xiligaa ku sugnaa agagaarka Buundo-Liqliqato ee xaafadda Howl-wadaag.

Waxaa uu sheegay in markii Bam la soo tuuray oo uu qaraxu dhacay kadib markiiba si deg deg ah u howlgaleen ciidamada, iyaga oo intaa kadib arkay qofka la qabtay oo ka soo degaya geed aan ka fogeyn halka qaraxu ka dhacay.

"Waxaa la qabtay isaga oo ka soo degaya geedkii uu Bamka ka soo tuuray dushiisa, waa la wareystay waana uu qirtay in uu isaga Bamka soo tuuray ayuu yiri,’’ guddoomiyaha degmada Balad-weyne.

Waxaa uu guddoomiyaha intaa ku darray in shaqsiga gacanta lagu soo dhigay xog ku bixiyay in kooxo uu isaga ka mid yahay loo soo dirray in ay falal amaan darro ka fuliyeen magaalada Baladweyne.

Weerarka loo adeegsaday Bamka ee shalay lagu qaaday ciidamada maamulka gobollka Hiiraan aya waxaa ku dhaawacmay ilaa afar askari oo ka tirsanaa ciidamadii ku sugnaa xiligaa Buundada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya