3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2012
Madaafiic Khasaare Nafeed Dhaliyay oo Xalay ku dhacay Deegaanno ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya
Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay afar cunug oo yaryarna way ku dhaawacmeen madaafiic xalay saqdii dhexe ku dhacay meel ku dhow xarunta degmada Wardhiigley ee Muqdisho, iyadoo qofka dhintay ay ahayd hooyadii dhashay afarta caruurta ah.

Madaafiicdan oo laga soo tuurayay deegaanno ku yaalla dhinaca waqooyi-galbeed ee Muqdisho ayaa u muuqday kuwo lagu bartilmaameedsanayay madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo hay'adaha ammaanka ee dowladdu aysan wax war ah kasoo saarin duqeyntii xalay.

"Hal madfac ayaa kusoo dhacay xalay abbaare 1:00 habeenimo guri ku dhow xarunta degmada Wardhiigley, waxaa ku dhintay halkaas hooyo dhashay afar caruur ah iyadoo afartii caruurta ahaydna ay dhaawacyo soo gaareen," ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda uu madfacu ku dhacay.

Madaafiicda ahaa ku dhawaad toban madfac ayaa waxay ku dhaceen meelo ku dhow xarunta madaxtooyada, waxaana duqeyntan ay noqonaysaa tii labaad oo ka dhacda Muqdisho bishan gudaheeda.

"Dhawaqa madaafiicda waa maqlaynay xalay, cabsi weyn ayay nagu beereen, waayo waa wax aanan maleysanayn," ayay tiri Raxmo Maxamuud oo ka mid ah dadka degmada Wardhiigley oo HOL la hadashay.

Magaalada Muqdisho oo ay Al-shabaab isaga baxday bishii Ogoosto ee sannadkii hore ayaa waxaa weli ka dhacaya qaraxyo, duqeymo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo taageersan Al-shabaab, iyadoo hay'adaha ammaanka dowladdu ay sheegaan inay ka hortagayaan weerarradaas.

Duqeyntii xalay ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli uu madaxweynaha Soomaaliya dalka dibadda uga maqan yahay, iyadoo duqeyntii middan ka horreysay ay sidoo kale dhacday xilli uu madaxweynuhu safar dibadda ah ku maqnaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
12/22/2012 7:14 AM EST
Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Xidhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo qaybiyay maanta sharciga maamulka maaliyadda dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena uu guddoomiyaha baarlamaanka magacaabay guddi dib u eegsi kusoo sameeya heshiis dhinaca milateriga ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga.

12/22/2012 7:10 AM EST
Sabti, December 22, 2012 (HOL) —Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya ayaa si nabadgelyo ah kula wareegay deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 90KM dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

12/22/2012 6:54 AM EST
Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 40-qof oo u badan caruur ayaa ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay maanta oo Sabti ah gobolka Tana-Delta ee waqooyiga dalka Kenya, waxaana dagaalkan oo ahaa mid beeleed uu dhacay saakay aroortii hore.

12/22/2012 6:32 AM EST
Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Dadweyne careysan ayaa dibadbaxyo ka dhigay maanta oo Sabti ah magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saalix ee Somaliland, kaddib markii uu madaxweynaha Somaliland xilkii ka qaaday guddoomiyhii gobolka Saaxil, Maxamuud Cali Saleebaan (Rabaax).

12/22/2012 6:08 AM EST
Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Hay'adda caalamiga ah xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku tilmaantay go'aankii ay dowladda Kenya ku gaartay in qoxootigu ku laabtaan xeryaha mid ka horimaanaya sharciyada calaamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

12/22/2012 5:21 AM EST
Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Baladweyne ee maamulka gobolka Hiiraan Max’ed Macalin Qalaafoow ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen eedeysane sida uu sheegay Bam kuwa gacanta lagu tuuro ah ku weeraray maalintii shalay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobollka Hiiraan oo xiligaa ku sugnaa agagaarka Buundo-Liqliqato ee xaafadda Howl-wadaag.

12/22/2012 2:42 AM EST
Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa afar ruux siyaabo kala duwan ugu dilay xalay deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasoo ay ku yaallaan xeryaha qoxootiga oo ay ku jiraan in ka badan nus malyuun qof oo Soomaali ah.

12/22/2012 2:33 AM EST
Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo deegaanka Kamakuunji ee ay ka tirsan tahay xaafadda Islii laga oo doorto kuna dhaawacmay qarax bartamihii bishan ka dhacay masjid ku yaalla xaafadda Islii ayaa dowladda Kenya ka dalbaday in baaritaanno dhab ah ay ku sameyso kooxaha weerarradaas geysanaya.

12/22/2012 2:14 AM EST
Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay xilkii ka qaaday Badhasaabkii gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, isla markaana xilkaasi u magacaabay Cali Maxamed Cali, halka Badhasaabkii gobolka Hargeysa dib loogu magacaabay gudoomiyihii hore ee gobolka Axmed Xaaji Cabdilaahi Xamarji.

12/22/2012 2:12 AM EST
Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa caawinaya ee AMISOM iyo Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadayaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada shisheeye inta ay dalka oo dhan ka baxayaan.