4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2012
Xildhibaan Yuusuf Xasan oo Dowladda Kenya ugu baaqay in baaritaanno dhab ah ay ku sameyso kooxaha weerarrada geysanaya
Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo deegaanka Kamakuunji ee ay ka tirsan tahay xaafadda Islii laga oo doorto kuna dhaawacmay qarax bartamihii bishan ka dhacay masjid ku yaalla xaafadda Islii ayaa dowladda Kenya ka dalbaday in baaritaanno dhab ah ay ku sameyso kooxaha weerarradaas geysanaya.

Mudanaha oo lagu daweynayo isbitaal ku yaalla dalka Koonfur Afrika ayaa ka digay in la dhibaateeyo shacabka Soomaalida ah ee ku nool Islii, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in baaritaanno dhab ah la sameeyo si loo ogaado kuwa dhibaatada ka geysanaya Islii iyo Nairobi oo dhan.

"Dowladda Kenya waxaa looga baahan yahay inay baaritaan ku sameyso kooxaha ka dambeeya weerarrada ka dhacaya magaalada Nairobi iyo magaalooyinka kale ee dalka, si loo ogaado kuwa dhibaatada wada," ayuu yiri mudanaha oo sheegay inay baaritaanno dhab ah oo keliya lagu ogaan karo kuwa dhibaatooyinka wada.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin laba dal oo walaalo ah, kuwaasoo aan sinnaba ku kala go'ay, isagoo labada xukuumadood ka dalbaday in si wadajir ah looga shaqeeyo ammaanka labada dal.

"Kenya iyo Soomaaliya waa laba dal oo walaalo ah, waxaana ka dhexeeya shacab si ay ku kala go'ayaanna ma jirto, sidaa daraadeed waxaan labada dhinac u soo jeedinayaa inay ka shaqeeyaan ammaanka," ayuu yiri mudane Yuusuf Xasan.

Xildhibaanka ayaa qarax ka dhacay Islii 15-kii bishan kaga dhaawacmay lugaha kaddib markii uu kasoo baxay masaajidka Al-Hidaaya oo uu ku tukaday, mana jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarka uu xildhibaanku ku dhaawacmay, balse hay'adaha ammaanka Kenya ayaa ku eedeeyay weerarkaas Kooxda Al-shabaab.

Hadalka mudanaha ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho rasmi ah ku joogo dalka Kenya iyo iyadoo dowladda Kenay ay shacabka Soomaalida ee aan sharciga lahayn ugu baaqday inay dib ugu laabtaa xeryaha qoxootiga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya